Kulamada Saaxiibtinimo Ee Ay Ciyaari Doonaan Liverpool, Man United, Chelsea, Arsenal, Man City Iyo Tottenham Ee Xagaagan.

Premier league Top Six Coaches
Premier league Top Six Coaches

Kadib markii dhawaan la soo gaba gabeeyay xili ciyaareedkii Premier League waxay kooxuhu haddaba isha ku hayaan kulamada saaxiibtinimo ee ka hor xili ciyaareedka cusub.

Kooxaha ayaa labada xili ciyaareed dhexdooda ciyaara kulamo saaxiibtinimo oo layskugu diyaariyo xili ciyaareedka cusub isla markaana ay lacago badan kooxuhu ka sameeyaan.

Kooxaha Premier league ayaa xiliyadii la soo dhaafay si wayn uga dhex muuqday tartanka saaxiibtinimo ee IC Cupka kaas oo markale xagaagan la ciyaari doono.

Kooxaha waa wayn ee Premier league wali waxaa qaar baaqi u ah finalada tartamada kooxaha Yurub ee UEFA Champions League iyo UEFA Europa League.

Liverpool iyo Tottenham ayaa June 1 ku balansan Madrid halkaas oo ay ku ciyaari doonaan finalka Champions League ee dhamaadka u noqon doona xili ciyaareedkan.

Chelsea iyo Arsenal ayaa May 29 waxay finalka Europa League ku ciyaari doonaan caasimada Azerbaijan ee Baku waana kadib halka ay ka bilaaban doonaan kulamada saaxiibtinimo.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa kulamada saaxiibtinimo ee ay lixda kooxood ee Premier league ugu waa wayni ciyaari doonaan ka hor xili ciyaareedka cusub.

Premier league Top Six Coaches
Premier league Top Six Coaches

Kulamada ilaa hadda sida rasmiga ah loo shaaciyay ayaad halkan ka akhrisan kartaa ee kooxaha waa wayn ee Premier League. (Goobaha ay kulamadu ka dhacayaan ayaa kooxaha ku hor qoran)

Kulamada Saaxiibtinimo Ee Arsenal 

15 July v Colorado Rapids (Dick’s Sporting Goods Park, Colorado) 
17 July v Bayern Munich (Dignity Health Sports Park, Los Angeles)
20 July v Roma (Bank of America Stadium, Charlotte)
23 July v Real Madrid (FedExField, Washington DC)
28 July v TBC (H)

Kulamada Saaxiibtinimo Ee Chelsea

15 May W 3-0 New England Revolution (Gillette Stadium) 
19 July
v Kawasaki Frontale (Nissan Stadium, Yokohama) 
23 July v Barcelona (Saitama Stadium, Saitama)

Kulamada Saaxiibtinimo Ee Liverpool

19 July v Borussia Dortmund (Notre Dame Stadium, Indiana)
21 July v Sevilla (Fenway Park, Boston)
24 July v Sporting (Yankee Stadium, New York)

Kulamada Saaxiibtinimo Ee Man City

17 July Premier League Asia Trophy (Nanjing Olympic Sports Centre)
20 July Premier League Asia Trophy (Hongkou Stadium, Shanghai)
27 July v Yokohama F. Marinos (Nissan Stadium, Yokohama)

Kulamada Saaxiibtinimo Ee Tottenham

21 July v Juventus (National Stadium Singapore)
25 July v Man Utd (Hongkou Stadium, Shanghai)
4 August v Inter Milan (H)

Kulamada Saaxiibtinimo Ee Man United 

13 July v Perth Glory (Optus Stadium, Perth)
17 July v Leeds United (Optus Stadium)
20 July v Inter Milan (National Stadium Singapore) Details
25 July v Tottenham (Hongkou Stadium, Shanghai)
3 August v AC Milan (Principality Stadium, Cardiff)