Maxey Ahaayeen Hadaladii Uu Dembele Ku Yiri Garsoore Mateu Lahoz? Miyuuse Seegi Karaa Kulanka El-Clasico?

Garsoore Miguel Antonio Mateu Lahoz ayaa casaan u taagay weeraryahanka Barcelona Ousmane Dembele kaas oo ka falceliyay casaankii lasiiyay saaxiibkiisa Ronald Araujo, waxeyna warbixinada la helayo sheegayaan in xiddigaan uu mari doono ganaax ka badan hal kulan.

Sida la ogaaday garsooraha wuxuu gudbiyay warbixin u ku sheegay hadaladii uu Ousmane Dembele ku yiri intii lagu jiray ciyaarta, waana kuwa ugu yaraan ganaaxa ku badin kara.

“Waxaad tahay qof aad xun” ayuu yiri Dembele, waxaana sida la sheegay garsooraha uu ku daray warbixinta uu ka gubiyay ciyaarta, sidoo kale waxaa jirtay in xiddiga uu garsooraha u sacab tumay.

Arrinta uu sameeyay Dembele waa mid aan sidaas u weyneen, mana la mid ah wixii uu sameeyay Diego Costa kaas oo 8-kulan ganaax ah garka loo galiyay, balse waxaa la aaminsan yahay inuu mari doono ugu yaraan ganaax ka badan hal kulan.

Xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay Michael Krohn-Dehli oo ka tirsanaa Deportivo La Coruna ayaa horyaalka heerka labaad sidaan oo kale ka sameeyay, waxaana garka loo galiyay laba kulan oo ganaax ah.

Sidoo kale Gabriel Pires iyo Fabian Orellana ayaa sidoo kale ah laba ciyaartoy oo maray ganaax min laba kulan ah kadib markii ay garsooraha ku sheegeen inuu yahay qof xun.

Hadii ganaaxa labada kulan uu ku dhaco Dembele, wuxuu seegi doonaa kulanka El-Clasico ee dhamaadka bishaan ka dhici doona garoonka Camp Nou.