Maxey Ahaayeen Erayadii Ay Adeegsadeen Lionel Messi & Gerard Pique Markii Ay Damceen Iney Kaarka Cas Ka Badbaadiyaan Ousmane Dembele Kulankii Sevilla?

Lionel Messi ayaa sameeyay wax walba uu kaarka cas kaga badbaadin karo xiddiga ay isku kooxda yahiin ee Ousmane Dembele intii ay socotay ciyaartii Sevilla ee todobaadkaan ka dhacay garoonka Camp Nou.

Xiddiga reer France ayaa gudoomay jaalihiisii labaad ee ciyaarta daqiiqadahii ugu dambeeyay markii uu si xun ula hadlay garsoore Miguel Antonio Mateu oo kaarka cas u taagay mid ka mid ah xiddigaha Balaugrana.

Waxey saxaafadda soo warisay inuu Dembele ku yiri garsooraha: “Waxaad tahay qof xun”, sidoo kalana uu ku daray warbixinta uu ciyaarta ka gudbiyay taasoo keeni karta in ganaax dheeraad ah la saaro xiddiga.

Si kastaba Lionel Messi ayaa u yimid garsooraha marka uu shilka dhacay isagoo la mideysan saaxiibadiisa kooxda wuxuuna u sheegay garsoore Miguel Antonio Mateu iney dhacday isfaham-daro isla markaana Dembele uusan si fiican u aqoonin luqadda Spanish-ka.

Sidoo kale kaamirooyinka Cuatro ayaa soo qabtay in Lionel Messi uu hab walba u maray sidii uu ku badbaadin lahaa Dembele, waxaana la sheegay inuu isaga xitaa isugu yeeray qof xun.

Dhinaca kale Gerard Pique ayaa isna soo jeediyay in Dembele uusan erayadiisa kala jeedin garsooraha, balse Lahoz si cad ayuu ciyaartoyda ugu sheegay weyna u cadeed in xitaa luqadda uu adeegsaday ay aheyd midda Catalan.

Ganaaxa xiddigaan la saarayo wali go’aan lagama gaarin, marka laga tago ganaaxa halka kulan ee casaankiisa, waxaa laga yaabaa in la saaro mid dheeri ah, taasi oo qatar ku ah safashadiisa kulanka El-Clasico.