Maxay Yihiin Afarta Go’aan Ee Madax Xanuunka Ku Ridi Doona Tababare Unai Emery Ee Ay Tahay Inuu Xal Ka Gaadho Kahor Inta Uusan Si Rasmi Ah U Bilaabmin Xilli Ciyaareedka 2018-2019.

Tan iyo magacaabistii ay kooxda Arsenal tababare Unai Emery u magacawday tababaraha cusub ee kooxdeeda bishii May kooxda ayaa si weyn ugu soo raaxaysatay suuqi kala iibsiga ee shalay ka xidhmay kooxaha Premier League iyagoo lasoo wareegay shan ciyaartoy oo la filayo inay soo buuxiyaan dal-dalooladii Gunners ee xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyay.

Sidoo kale kooxda ayaa kusoo raaxaysatay kulamada saaxiibtinimo ee ay iskugu diyaarinaysay xilli ciyaareedka cusub, Gunners ayaa guulo ka heshay Paris Saint-Germain iyo Chelsea iyagoo kaliya guuldaro kala kulmay kooxda Atletico Madrid.

Haddaba waxaan halkan idiinku soo gudbin doonaa AFARTA go’aan ee ugu culus isla markaana ay tahay in tababare Unai Emery uu go’aan geesinimo leh ka qaato kahor inta uusa si rasmi ah u furmin xilli ciyaareedka cusub ee 2018-2019.

Go’aanka Koowaad: Bernd Leno Mise Petr Cech?

Arsenal ayaa kusoo dhibtoonaysay booska goolhayaha tan iyo markii uu kooxda ka tagay Jens Lehmann toban sano kahor, Petr Cech ayay da’du kadaba timid xilli ciyaareedkii hore isagoo ku fashilmay inuu soo bandhigo qaab-ciyaareedyadii looga bartay waayihiisii da’yaraanta, Gunners ayaa lasoo saxeexatay goolhaye Bern Leno oo kooxda ku yimid aduun dhan 26 Milyan, Tababare Unai Emery ayaana la filayaa inuu go’aanka ugu horreeya ka gaadhi doono cida lagu aamini doono gacmaha Gunners ee garoonka dhexdiisa.

Go’aanka Labaad: Miyay Aupameyang Iyo Lacazette kasoo wada muuqan karaan safka koowaad?

Gunners ayaa gacanta ku dhigtay xilli ciyaareedkii hore laba kamid ah weeraryahanada ugu qaalisan qaarada Yurub maadaama oo ay kooxda ku joogaan qiime 112 Milyan ah, Tababare Emery ayaa kulamadii saaxiibtinimo qiimaynayay shax ciyaareedka 4-3-3 isagoo Laca ka ciyaarsiiyay weerarka dhexe halka Aupa loo wareejiyay garab

Go’aankaas ayaa lagu tilmaamay mid aan najixi doonin maadaama oo Aupameyang uusan lahayn difacasho badan oo uu ku raacdo kubadda waxana la rajaynayaa inuu u laabto booskiisa weerarka dhexe si uu u muujiyo sababta uu u yahay xiddiga ugu qaalisan taariikhda kooxda.

Go’aanka Saddexaad: Miyuu Matteo Geundouzi diyaar u yahay Premier League?

Kaddib markii uu tababare Unai Emery xagaagan lasoo saxeexday Matteo Geundouzi oo ku kacaya 7 Milyan dadka inta badan ayaa u arkayay in kooxda loo keenay mustaqbal ahaan balse waxa uu tayadiisa muujiyay kulamadii saaxiibtinimo jamaahiirta Gunners ayaana u riyaaqay qaabkii uu u aamusiiyay xiddiga 57 Milyan ku jooga Chelsea ee Jorginho oo uu gabi ahaanba dhexda ka qabsaday.

Geundouzi ayaa la filayaa inuu fursad ka heli doono tababaraha ree Spain walow ay kooxd ku sugan yihiin xiddigo khadka dhexe ah oo ka waayo aragsan sida Aaron Ramsey, Granit Xhaka & Lucas Torreira.

Go’aanka Afraad: Yaa kusoo bilaaban doona daafaca?

Gunners ayaa si weyn usoo xoojisay daafaceeda intuu uu socday suuqa kala iibsigu iyaga oo kusoo daray daafacyada khubarada ah ee Sokratis oo dhawaan 30 jirsaday iyo Leichesteiner oo isna 35 sano jir ah, Sokratis oo hore loo filayay inuu daafaca dhexe ee kooxda hoggaamin doono ayay suurogal tahay inuu keydka u dhaadhaco kaddib bandhigii liitay ee kulankii saaxiibtinimo ee Chelsea.

Tababare Emery ayaa haysta dookhyada kale ee kala ah daafacyada aan khibrada lahayn ee Rob Holding & Konstantinos Mavropanos iyo daafaca qaladaadka u nugul ee Shkordan Mustafi taas ayaana qasbaysa in tababaruhu uu go’an rasmi ah ka gaadho cida ku bilaabanaysa daafaca dhexe ee safkiisa koowaad.