Maxay Wargaysyad Yurub Maanta Oo Isniin Ah Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Iyo Xidigaha Lakala Doonayo?

suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda

Kooxaha Yurub waxay ku jiraan waqti adag oo laga joojiyay horyaaladii ay shaqada ugu badan ka qaban jireen sababtoo ah halista cudurka coronavirus, laakiin shaqada kaliya ee ay hadda si wayn u sii qabsan karaan waa in ay sii bilaabaan wada xaajoodyada ciyaartoyda ay doonayaan suuqa xagaaga ee dhamaadka xili ciyaareedkan.

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa waxaa naga xiga dhowr bilood iyadoo durbaba kooxaha ay calaamadeysanayaan xiddigaha ay u baahan yihiin.

Madaama xilli ciyaareedka uu hakad ku jiro sababo la xiriira caabuqa Coronavirus, kooxaha ayaa fursad u heysta inay wadaxaajood daaha gadaashiisa ah la galaan xiddigaha ay doonayaan xagaaga.

Hadaba waxaanu halkan  idiin soo gudbineynaa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ee ay qoreen maanta oo Isniin ah wargeysyada Yurub ka soo baxa.

Barcelona ayaa xiiseyneysa inay xagaaga u dhaqaaqdo daafaca dhexe ee Faransiiska ee kooxda Manchester City Aymeric Laporte oo 25 sanno jir ah. (Mundo Deportivo)

Kooxaha PSG, Real Madrid iyo Man City ayaa ka fiirsanaya inay xagaaga la soo wareegaan daafaca reer Slovakia ee kooxda Inter Milan, 25 sanno jirka Milan Skriniar. (Calciomercato)

Kalidou Koulibaly oo 28 sanno jir ah ayaa diyaar u ah inuu ka tago Napoli xagaagan iyadoo Manchester United lala xiriirinayay daafaca dhexe ee reer Senegal. (Daily Mirror)

Barcelona ayaa diyaar u ah inay iibiso weeraryahanka reer France Antoine Griezmann xagaagan iyagoo duldhigay 29 jirkaan 100 milyan euro, ka dib markii ay sannad ka hor ku soo iibsadeen 120 milyan euro. (Sport)

Liverpool iyo Arsenal ayaa qiimeynaya daafaca Faransiiska ee kooxda Eintracht Frankfurt 20 sanno jirka Evan Ndicka. (Sky Sports)

Arsenal ayaa wadahadal kula jirta shaqaalaha caafimaadka kooxaha kale ee Premier League iyagoo weydiinaya haddii ay tababarka ku laaban karaan isbuucaan.(Daily Mail)

Barcelona ayaa wadahadal kula jirta ciyaartoydooda ugu waa weyn iyagoo doonaya inay sameeyaan mushahar dhimis iyadoo kooxda aysan awoodin inay bixiso mushaharkooda inta ka harsan xilli ciyaareedka taasoo kor u dhaafeysa 1 bilyan euro. (Marca)