Maxay Tahay Sababta Ay Real Madrid Ugu Ducaysanayso Inay Booska Koowaad Kaga Dhammaysato Group-keeda? Wargeyska MARCA Oo Ka Faalooday.

Walow ay ugu horreynba muhiimadoodu noqon doonto inay kasoo baxaan heerka Group-yada isla markaana usoo baxaan wareega xiga haddana Real Madrid ayay ka go’naan doontaa inay booska 1-aad kaga dhammaysato Group G oo ay A Roma ka adkaato toddobaadkan.

Real Madrid ayaa xilli ciyaareedkan kusoo dhibtootay tartamada ay qaybta ka tahay gaar ahaan horyaalka La Liga waxaana la filayaa inaysan sidaasi ku dhicin Champions League oo ay haatan hal guuldaro lasoo kulmeen.

Haddaba, Wargeyska MARCA oo warbixin xiiso badan kaga faalooday sababta ay Los Blancos ugu ducaysanayso inay booska koowaad kaga dhammaystaan ayaa sheegayain haddiiba ay ku fashilmaan guul ay kasoo helaan Stadio Olampico oo ay ku dhammaystaan booska labaad ay wajihi doonaan kooxaha ugu xoogan qaarada Yurub.

Kooxaha ay Real Madrid ku beegmi karto haddiiba ay kaalinta labaad kaga dhammaysato Group G ayaa kala ah:

Kooxda Group A hoggaanka u haysa ayaa ah Borussia Dortmund oo kusoo bixi doonta booska koowaad haddii ay guul ka gaadhaan kooxda Club Brugge, Kaliya inay kulankaas fashilmaan oo ay Atletico Madrid labada kulan ee hadhay guulaysato ayaa kahor istaagi kara inay booska koowaad galaan.

Inter Milan oo booska labaad ka fadhida Group B, Inter ayaa u baahan inay guulo gaadho dhammaan kulamada u hadhay isla markaana ay aragto Barcelona oo aan hal guul gaadhin.

Group-ka dhimashada ee C ayaa ah midka musiibada ugu weyn ku noqon kara Los Blancos, Inay si waali ah u hirdamayaan Napoli, Paris Saint-Germain iyo Liverpool ayaa ah Group isku aad adag siin kara Madrid, Sidoo kale Group D ayay hoggaanka u haysaa kooxda Casillas ee Porto waxaana ay kulan Group-kaas go’aamin doona la yeelan doonaan Schalke 04.

Group E iyo Group F ayaa sidoo kale ah laba Group oo isku aad aad u xoogan siinaya Real Madrid waxaana labadaas Group yadaas ku kala jira kooxaha difaacanaya horyaalada England iyo Germany ee Manchester City iyo Bayern Munich.

Ugu dambayn, Kooxda saadaasha badan helaysa xilli ciyaareedkan isla markaana uu halka hore usoo fadhiyo dilaagii hore ee Madrid ee Cristiano Ronaldo waa kooxda Juventus e’ ayaa hoggaanka Group H.

Waxa hubaal ah in Bianconeri ay si weyn u jeclaan lahaayeen inay ku aadaan Los Blancos oo dhibaataysan maadaama ay cad cadku in badan argagax kusoo rideen Old Lady sanadihii ugu dambeeyay.