Maxay Tahay Sababta Aanu Macalinka Xulka Qaranka England Ee Gareth Southgate U Doonayn In Kooxaha Man United, Liverpool iyo Man City Ay Soo Gaadhaan Finalka UEFA Champions League?

Saddex koodood oo ka mid ah kooxaha Premier leauge ugu jira tartanka UEFA Champions League ayaa fursad wayn u haysta in ay u soo baxaan wareega 16ka kooxood ee tartankan laakiin macalinka xulka qaranka England ee Southgate ayaan jeclaysan doonin in kooxaha Premier league ay soo gaadhaan finalka Champions league.

Manchester United ayaa sare u soo qaaday hamigeeda Champions League kadib markii ay 2-1 ku soo garaacday Juventus halka Manchester City ay hal talaabo u jirto in ay wareega xidiga ee Champions League u soo baxdo balse Liverpool ayaa iyaduna haysata fursad ay wareega 16ka ku soo gaadhi karto xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah.

Xulka qaranka England ayaa u soo baxay afar dhamaadka UEFA Nations league wuxuuna macalinka xulka qaranka England ee Gareth Southgate doonayaa in ciyaartoyda muhiimka ah ee xulkiisa uu haysto laakiin haddii mid ka mid ah ama laba ka mid ah kooxaha Premier league ay soo gaadhaan finalka UCL waxay dhibaato wayn ku noqon kartaa rajadii xulka Three Lions ee UEFA Nations League.

Kulamada afar dhamaadka UEFA Nations League ee uu xulka qaranka England qaybta ka yahay waxaa la ciyaari doonaa afar maalmood oo kaliya kadib finalka UEFA Champions league waana sababta aanu Southgate u jeclayn in kooxaha Premier league uu ku arko finalka UCL.

Sagaal maalmood oo kaliya ayaa u dhexayn doona kulamada finalka Champions League, afar dhamaadka UEFA Nations League iyo waliba finalka UEFA Nations League haddii uu xulka England soo gudbo waana sababo sii xumaynaya rajada England haddii kooxaha Premier league ay soo gaadhaan finalka Champions league.

Ciyaartoyda Muhiimka Ah Ee Xulka Qaranka England Ee Ka Tirsan Kooxaha Premier league Ee Champions league-ga Ku Jira:

Ciyaartoyda Liverpool Ee Xulka Engand Muhiimka Ka Ah.

  • Jordan Henderson
  • Joe Gomez
  • Trent Alexander-Arnold
  • Adam Lallana

Ciyaartoyda Tottenham Ee Xulka Engand Muhiimka Ka Ah.

  • Harry Kane
  • Dele Alli
  • Harry Winks
  • Eric Dier
  • Kieran Trippier
  • Danny Rose

Ciyaartoyda Man City Ee Xulka Engand Muhiimka Ka Ah.

  •  John Stones
  • Kyle Walker
  • Fabian Delph
  • Raheem Sterling

Ciyaartoyda Man United Ee Xulka Engand Muhiimka Ka Ah.

  • Marcus Rashford
  • Luke Shaw
  • Jesse Lingard

Si kastaba ha ahaatee, kooxaha Premier leauge ayaa wax walba oo suurtogal ah u samayn doona in ay soo gaadhaan finalka UEFA Champions League iyada oo Liverpool ahayd kooxdii ugu danbaysay ee xili ciyaareedkii la soo dhaafay soo gaadhay finalkii UEFA Champions league.