Maxay Tahay Halka Sabab Ee Ay Liverpool Uga Walwalsan Tahay Gool Dhaliyaha Bartilmaameedka U Ah Ee Nicolas Pépé.

Kooxda Liverpool ayaa wali isha ku haysa xaalada gool dhaliyaha kooxda Lille iyo xulka Ivory Coast ee Nicolas Pépé waxaana jirta xog laga helay sababta ay Reds uga walwalsan tahay ciyaartoygan bartilmaameedka u ah.

Madax waynaha kooxda Lille ayaa hore u shaaciyay in Liverpool ay wada xaajood la yeelatay wakiilka Nicolas Pépé waxaana marar badan jiray warar lagu sheegayay in Klopp uu aad u doonayo saxiixa Nicolas Pépé.

Wariyaha RMC Sport ee Mohamed Bouhafsi ayaa sheegay in sababta ay Liverpool uga walwalsan tahay xaalada Nicolas Pepe ay tahay aamusnaanta uu ku jiro wuxuuna sheegay in Pepe uu doonayo in uu marka hore la wada hadlo dhamaan tababarayaasha kooxaha isaga doonaya.

Waxaa lays barbar dhigay markii xagaagii hore Liverpool lala xidhiidhinayay Nabil Fekir iyo hadda oo Reds lala xidhiidhinayo Nicolas Pépé markaas oo ayna Liverpool doonayn in ay beeniso wararka Fekir la xidhiidhinayay.

Laakiin Liverpool ayaa ka walwalsan in Nicolas Pépé aanu wali ka hadal mustaqbalkiisa isaga oo aan xataa ka jawaabin xiisaha uga imanayay kooxaha aan Liverpool ahayn.

Dhinaca kale, Get France Football ayaa lagu sheegay in Nicolas Pépé aanu wali bixin jawaab xun ama fiican ee dhamaan kooxaha doonaya waxaana la cadeeyay in uu markale hore doonayo in uu la hadlo tababarayaasha kooxaha isaga doonaya.

Waxa kale oo xogtan lagu sheegay in Nicolas Pépé uu mustaqbalkiisa kala hadli doono tababarayaasha kooxaha xiixaynaya marka uu soo dhamaysto koobka qaramada Afrika.

Xulka Ivory Coast ayaa habeen danbe kulanka siddeed dhamaadka koobka qaramada Afrika la ciyaari doono xulka Algeria waana kulan lagu ogaan doono haddii uu xulkiisa Ivory Coast sii wadan karo tartankan.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa wali xiisaynaysa in ay la soo saxiixato Nicolas Pépé si ay kooxaha kale ee doonaya ay uga hor qaado iyada oo Klopp uu doonayo in uu weerarkiisa ku soo xoojiyo.