Maxay Ahayeen Shantii Kalmadood Ee Uu Cristiano Ronaldo U Sheegay Ciyaartoyda Kooxdiisa Juventus Kadib Go’aankii Allegri?

Ciyaartoyda Juventus ayaa si rasmi ah u ogaaday in waayihii tababaranimo ee Massimiliano Allegri ee Juventus ay soo dhamaadeen oo uu kooxda ka bixi doono.

Massimiliano Allegri ayaa waqti fiican Turin ku soo qaatay isaga oo xili ciyaareed kasta oo uu Juventus joogay koobka horyaalka ku soo guulaysanayay balse waxa uu ku soo dhibtooday Champions League.

Heshiiska Massimiliano Allegri ee Juventus ayaa dhacaya 2020 laakiin kadib kulamo ay yeesheen maamulka sare ee kooxdiisa waxay go’aan ku gaadheen in ay laba dariiq kala raacaan.

Laakiin wargayska  Sport Mediaset ayaa shaaciyay shan kalmadood  oo uu Cristiano Ronaldo ciyaartoyda kooxdiisa Juventus u sheegay kadib markii uu soo baxay go’aanka bixitaanka Allegri.

Juventus ayaa axada la ciyaari doonta kooxda Atalanta  laakiin waxay xili horeba ku guulaysatay koobka horyaalka Serie A uu Maxi Allegri kulamadiisii ugu danbeeyay ee Old Lady maamuli doono.

Cristiano Ronaldo ayaa ciyaartoyda kooxdiisa Juventus u sheegay: ““Sunday we win for him.” taas oo la micno ah in uu u sheegay: “Axada isaga ayaan u guulaysanaynaa”. Taas oo muujinaysa ixtiraamka uu Ronaldo u hayo Allegri.

Maxi Allegri ayaa si fiican Cristiano Ronaldo ugu soo dhaweeyay Juventus wuxuuna markasta ahaa mid amaan iyo difaacid la barbar joogay intii lagu jiray xili ciyaareedkan.

Laakiin Cristiano Ronaldo iyo ciyaartoyda kale ee Juventus ayaa hadda u dhegtaagaya macalinka badali doona Maxi Allegri.

Claudio Marchisio ayaa maamulka Juventus ugu baaqay in ay la soo saxiixdaan macalinka Liverpool ee Jurgen Klopp laakiin waxaa jira tababarayaal badan oo kale oo lala xidhiidhinayo Old Trafford.

Si kastaba ha ahaatee, ciyaartoyda kooxda Juventus iyo Cristiano Ronaldo ayaa isku dayi doona in ay Maxi Allegri guul ku macasalaameeyaan.