Maxay Ahayd Waxa Uu Macalinka Kooxda Real Madrid Zinedine Zidane Daawaday Kadib Guuldaradii FC Girona?.

Spanish Channel 4 ayaa wuxuu shaaca ka qaaday faahfaahinta waxyaabaha uu macalinka kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ka daawaday teleefankiisa kadib guuldaradii Real Madrid ka soo gaadhay kooxda gobolka Catalonia ka dhisan ee FC Girona, kulankii Axada ee ka tirsanaa kulamada 10aad horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Tababaraha ree france ee Zinedine Zidane oo dhawaan loo caleemo saaray macalinka  ugu fiican adduunka ayaa la kulmay dhaleeceen xoogan kadib guuldaradii labaad ee Los Blancos kasoo gaadhay horyaalka La Liga tan iyo markii uu bilaawday xili ciyaareedkan 2017/2018.

Real Madrid ayaa 8 dhibcood ka dambeysa hogaamiyeyaasha La Liga ee Barcelona, taasoo la micno ah in kooxda looga baahan yahay inay shaqo adag qabtaan isla markaana ay guuleystaan kulamada soo aadan oo idil, waxayna sugayaan in Barcelona ay la kulanto markeeda guuldarooyin si farqiga u dhaxeeya uu u soo yaraado.

Kadib markii uu soo idlaaday kulankii Girona ay 2-1 ku dubatay Real Madrid, waxay kaamirooyinka Spanish Channel 4 ay qabanayeen Zinedine Zidane oo dib u eegaya taleefankiisa gacanta, kadib markii uu baska raacay si uu u ogaado sababta ka dambeysa guuldaradii kasoo gaadhay kulanka FC Girona.

Wararka ayaa waxay intaa kusii darayaan in Zidane uu dib u eegayay wax yaabihii ugu muhiimsanaa ee sababtay in Real Madrid ay saddexda dhibcood u weyso Girona, iyo inuu kormeero qaab ciyaareedka ciyaartoydii door weyn ka ciyaaray guuldaradii lama filaanka aheyd.

Difaaca kooxda Real Madrid Sergio Ramos ayaa xaqiijiyay in Zidane uu daawaday qeybo ka mid ah kulankii ay wajaheen Girona wuxuuna yidhi. “Zidane wuxuu daawanayaa qeybo ka mid ah kulanka, sida caadiga ah kooxdan ayaa ah inay baaritaan ku sameyso wax walba maalinta xigta, si wax looga qabto qaladaadkii inaga dhacay”.

Comments

comments