Maxay Ahayd Sababtii Xalay Loogu Dhawaaqi Waayay Ee Dib Loogu Dhigay Heshiiska Frank Lampard Isaga Oo Xataa Stamford Bridge Diyaar Ku Ahaa?

Frank Lampard ayaa galabnimadii shalay soo gaadhay garoonka Stamford Bridge halkaas oo la doonayay in loogu dhawaaqo heshiiska rasmiga ah ee uu ku noqonayo macalinka cusub ee Chelsea balse waxaa la ogaadya sababtii keentay in dib loo dhigay.

Lampard ayaa ogolaaday heshiis saddex sanadood ah kaas oo uu si toos ah ugu badalayo Maurzio Sarri oo kooxda ka baxay isla markaana dhawaan loo magacaabay macalinka kooxda Juventus.

Sawirada Lampard ee markii uu soo galayay Stamford Bridge iyo markii uu ka baxayay ayay warbaahinta Ingiriisku heshay waxaana lays waydiinayay sababta keentay in aan heshiiskiisa lagu dhawaaqin.

Maxay ahayd sababta dhabta ah ee aan xalay loogu dhawaaqin heshiiska Lampard ee Chelsea?

Wargayska Daily Mirror ayaa xog ka helay sababtii dib loogu dhigay ku dhawaaqista Frank Lampard ee Chelsea ee keentay in isaga oo diyaar ku ahaa Stamford Bridge uu haddana uga baxay garoonka iyada oo aan heshiiska uu Blues kula wareegayo la shaacin.

Daily Mirror ayaa shaaciyay in sababta dhabta ah ee aan xalay loogu dhawaaqin heshiiska Lampard in ay ahayd cilad ka jirtay Facebook iyo Instagram taas oo keentay in sawirada iyo muuqaalada la galiyo aanu soo qaadayn.

Iyada oo baryahan danbe ay kooxaha caado u noqotay in ay heshiisyada ugu dhawaaqaan baraha bulshada oo ay muuqaalo iyo sawiro soo galiyaan, waxay ciladii Facebook iyo Instagram haysatay keentay in Lampard uu waqti badan ku qaatay Stamford Bridge balse uu ka baxay iyada oo aan heshiiskiisa lagu dhawaaqin.

Haddaba Frank Lampard waxa uu si buuxda u yahay tababaraha cusub ee Chelsea laakiin waxaa la sugyaa oo kaliya in heshiiskiisa lagu dhawaaqo iyada oo baraha bulshada ee Facebook iyo Instagram ay sabab u noqdeen in aan xalay lagu dhawaaqin.

Si kastaba ha ahaatee, waxay jamaahiirta Blues sugayaan waqtiga sida rasmiga ah loogu dhawaaqi doono taas oo ah waqti aan fogayn.