Maxay Ahayd Sababtii Qariibka Ahayd Ee Ay Kooxda Chelsea Sanadkii 2012 Ku Diiday Saxeexa Da’yarka Mucjisada Ah Ee Kylian Mbappe? Daniel Boga Oo Waxbadan Kala Socday Sheekadan Oo Sirta Dibada Keenay.

Da’yarka xulka qaranka France iyo kooxda Paris Sant-Germain ee Kylian Mbappe ayaa shaki la’aan haatan kamid ah xiddigaha dunida kuwooda ugu hadal haynta badan isla markaana lacagaha waalida ah haatan suuqa lagaga baadi goobo balse maxay tahay sababtii qariibka ahayd ee ay Chelsea ku lumisay fursadii ay kula saxeexan kartay lix sano kahor.

Da’yarkan haatan mucjisada ka samaynaya garoomada kubadda cagta ayaa kooxda Chelsea tijaabo kubaddeed ku maray sanadkii 2012 balse Blues ayaan sabab layaab leh ugu qancin iyaga oo hooyadii ka codsaday inuu tijaabo kale kusoo laabto balse hooyada wiilkan ayaa diiday arrintaas iyaga oon dib ugu soo laaban guud ahaan dalka England.

Haddaba, Daniel Boga oo ah shaqsi kasoo shaqeeyay kooxda Chelsea ilaa sanadkii 2014 oo usoo ahaa indho indheeye xiddigaha usoo daawada ayaa Goal sharaxaad buuxda ka siiyay sababta keentay in weeraryahankani uu kusoo biiri waayo kooxda ree London.

Boga ayaa sheegay in xiddigani uu tijaabo maray balse ay Blues iska indho tirtay kaddib markii uu difaacasho ku filan ka samayn waayay garoonka dhexdiisa intaa kaddib waxa uu sheegay inay hooyadii ka codsadeen inuu tijaabo kale usoo laabto balse ay u sheegtay inaysan midaasi suurogal u ahayd wiilkeeda.

Daniel Boga oo sheekadan iyo sidii ay ku qabsoontay ka warramaya ayaa yidhi “Waxa uu qaatay tijaabo balse kuma uusan dhammaysan isagoo anaga na qanciyay sababtoo ah ma uusan bixin difaacasho ku filan, Sidaa darteed hooyadii ayay waydiisteen haddii uu usoo laaban karo tijaabo kale balse waxa ay tidhi MAYA”

Intaa kaddib Boga ayaa sharaxaad ka bixiyay qaab ciyaareedkii Mbappe ee wakhtigaas isaga oo sheegay inuu mid cajiib ah ahaa marka uu kubadda haysto balse ay shaqadiisu yarayd marka uusan kubadda haysan gaar ahaan marka ay kooxdu ku jirto xaalad daafacasho.

“Daafacasho ahaan, Isagu muu joogin halkaas, Marka uu kubadda helo waxa uu ahaa mid cajiib ah laakiin kubadda la’aanteed waxbadan muu samaynayn, Isagu waa nooca ciyaartoy ee qofkasta u doonayo inuu daawado, Waxa uu leeyahay waxkasta oo looga baahan yahay ciyaartoy casri ah”

Ugu dambay, Hadalkan ayaa ah mid fadeexad ku noqonaya kooxda Chelsea maadaama oo uu sii xoojin doono xanta lagu sifeeyo kooxda Chelsea ee ah inay tahay koox aad ugu waalan kubadda daafacashada ku salaysan.