Maxay Ahayd Sababtii Dhabta Ahayd Ee Goolkii Ajax Ee Real Madrid Loo Diiday? UEFA Oo Sharaxaad Ka Bixisay Go’aankii Garsooraha.

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa go’aan ku gaadhay in wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions league markii ugu horaysay laga hirgaliyo muuqaal caawiyaha garsoorka VAR waxaana kulankii Ajax iyo Real Madrid ka dhashay muran kadib markii uu garsoorihii kulankani meesha ka saaray gool ay Ajax ku hormartay isaga oo daawaday muuqaal caawiyaha garsoorka VAR.

Kooxda Ajax oo waqti badan u dabaal degtay goolkan ayaa ugu danbayn loo sheegay in aanu goolkani sharci ahayn waxayna noqotay mid u qaadan waa ku noqotay isla markaana ay si wayn uga niyadjabeen laakiin UEFA ayaa qoraal rasmi ah ka soo saartay sababtii dhabta ahayd ee garsoorihii kulankii Ajax iyo Real Madrid uu goolkan meesha uga saaray.

Qoraal lagu soo daabacay barta rasmiga ah ee Twitterka xidhiidhka kubbada cagta Yurub ayaa lagu cadeeyay in sababta garsooruhu goolkii Ajax u beeniyay ahayd in xidiga kooxda Ajax ee Dusan Tadic uu taagnaa boos offside ah isla markaana uu goolhayaha ka mashquuliyay markii uu Nicolás Tagliafico goolka madaxa ah dhalinayay.

Waxaana qoraalkan la soo raaciyay sawirkii lagu qaaday muuqaal caawiyaha garsoorka VAR iyada oo UEFA muujisay in Dusan Tadic uu wax yar ka horeeyo xidiga ugu danbeeya ee Real Madrid isla markaana uu goolhaye Courtois kubbada u qariyay.

Qoraalka UEFA ay ku sharaxday goolkii Ajax laga diiday ayaa lagu yidhi: “VAR-ka Champions League: Daqiiqadii 38 aad ee kulankii lugtii kowaad ee Ajax Vs Madrid,  goolkii madaxa ahaa ee Nicolás Tagliafico ayaa meesha laga saaray kadib markii dib loo eegay VAR. Garsooruhu waxa uu aqoonsaday in xidiga ay Tagliafico isku kooxda yihiin ee Dusan Tadic in uu joogay boosishan offside ah isla markaana uu fara galiyay goolhayaha”.

Ajax ayaa isku arkaysay in goolkii Nicolás Tagliafico uu ahaa gool sax ah laakiin sharaxaad UEFA ayaa hadda muujinaysa in garsooruhu qaatay go’aan adag balse cadaalada ugu dhaw taas oo keentay in ciyaartoydii Real Madrid ee hore uga cawday VAR ay markan si wayn u soo dhaweeyeen gaar ahaan Sergio Ramos iyo Courtios.

Kadib markii goolka Ajax la diiday Karim Benzema ayaa kooxdiisa Real Madrid goolka furitaanka u dhaliyay balse iyada oo Ajax ciyaarta ugu soo laabtay goolka barbaraha waxaa Madrid guusha u horseeday Marco Asensio oo daqiiqadii 87 aad dhaliyay goolka ay Los Blancos guusha ku soo gaadhay.

1 Comment

  1. TAASI MARMARSIIYO UMA NOQONAYSO UEFA KHALADKII WAYNAA EE SKOMINA SAMEYEY XALAY WAANA ISKA CAADI IN GARSOORAYAASHA YURUBTA FAQRIGA AHI LA TACAAMULAAN KOOXAHA QANIGA AH EE SPAIN.
    WAA LOOGA HORREEYEY VICTOR KASSAI AYAA NOOL

Comments are closed.