Maxay Ahayd Jawaabtii Ay Barcelona Kala Kulantay Heshiiskii Cusbaa Ee Ay Hor Dhigtay Goolhayaha Laf-Dhabarta U Ah Kooxdeeda Ee Ter Stegen?

Kooxda Barcelona ayaa la soo warrinayaa inay wali xaalad adag kaga jirto qorshaha ay heshiis cusub kaga doonayso goolhayaha muhiimada weyn u leh kooxdeeda ee Marc Andre Ter Stegen.

Barca ayaa la sheegay inay afar jeer la kulantay wakiilada iyo shaqsiyaadka ku hareeraysan Ter Stegen iyadoo kulankoodii ugu dambeeyay uu dhacay horraantii bishii March iyadoo qorshaha Barca uu ahaa inuu saxeexo heshiis gaadhsiisan ilaa 2024 oo uu mushahar ahaan u qaadanayo 6.5 Milyan oo euro sanadkii.

Goolhayaha ree Germany ayaa kaga jawaabay ‘Maya’ heshiiskaas isagoo fahamsan in kooxdu  ay dhawaan cusboonaysiisay heshiisyada xiddigo isaga ka muhiimad yar isla markaana ay qaataan lacago intaas ka badan.

Guud ahaan xaalada labada dhinac dhextaala ayaa ah mid jawi wanaagsan balse Barcelona ayaa ka warqabta inay fursad yar u haysato dhaq-dhaqaaq kasta.

Iyadoo uu caabuqa Coronavirus hakad geliyay wadaxaajoodkii ay Barcelona heshiiska cusub kaga doonaysay goolhaye Ter Stegen ayaa la filayaa in dhammaadka xilli ciyaareedkan ay noqoto wakhtiga go’aanka rasmiga ahi dhici doono.

Barcelona ayaa markii hore wakiilada goolhayaha ree Germany ku cadaadisay inay jawaab soo siiyaan sida ugu dhakhsaha badan ee ugu macquulsan si heshiiska loo dhammaystiro gudaha bilaha March iyo April laakiin waxkasta ayaa haatan u muuqda kuwo mudo kordhin loo samayn doono.

Barca ayaan wax cabsi ah oo weyn qabin maadaama qandaraaskiisu uu dhacayo gudaha sanadka 2022 isla markaana lacagta lagu jabin karaa ay tahay 180 Milyan oo euro.