Maxaad Kala Socotaa Sheekada Jose Mourinho, Unai Emery Iyo Macalinka Tottenham Ee Mauricio Pochettino? Arimo Isku Xidhan Oo Midba Uu Kan Kale Saamayn Ugu Yeelan Karo.

Mustaqbalka saddexda tababare ee Jose Mourinho, Unai Emery iyo tababaraha kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino ayaa noqday kuwo toos iskugu xidhan iyada la filayo in isbadalo dhinaca tababarayaasha ahi ay ka jiri doonaan kooxaha Manchester United iyo PSG. Tababaraha kooxda Tottenham ayaa noqday bartilmaameed u dhexeeya Manchester United iyo PSG iyaga oo doonaya in uu badal u noqdo Mourinho iyo Emery.

Ugu horayn waxay wax walba ka bilaami karaan mustaqbalka tababaraha kooxda PSG ee Unai Emery kaas oo dhibaato kala kulmaya qaabkii uu ku maamuli lahaa Neymar Jr waxaana la filayaa in maamulka PSG ay shaqada ka caydhin doonaan haddii uu khilaafka iyo dareenka adag ee Neymar kala dhexeeyaa uu sii socdo, waxayna taasi keeni kartaa in ay diirada saaraan Jose Mourinho iyo Mauricio Pochettino.

Laakiin dhinaca kale Manchester United ayaa liiska musharixiinta Jose Mourinho badali doona haddii uu kooxdooda ka baxo ku soo darsatay tababaraha kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino kaas oo haddaba u dhexeeya PSG iyo Manchester United haddii ay wax iska badalaan mustaqbalka Emery iyo Mourinho.

Tababaraha kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino ayaa muujiyay sida uu horumar wayn ugu sameeyay kooxdiisa Spurs tan iyo markii uu ka soo wareegay kooxda ree Spain ee Espanyol, laakiin maamulada Man United iyo PSG ayaa Mauricio Pochettino u arka macalin mustaqbalka kooxahooda guulo ku hogaamin kara.

 

Kooxda PSG ayaa Mauricio Pochettino ku soo darsatay liiska tababarayaasha ay doonayaan in ay badal u noqdo Unai Emery wuxuuna liiskan kula jiraa Jose Mourinho laakiin sida uu wargayska Express sheegay Manchester United ayaa iyaduna doonaysa in haddii Mourinho uu kooxdeeda ka baxo uu Mauricio Pochettino noqdo tababarayaasha ay kooxdeedu u dhaqaaqi doonto.

Mauricio Pochettino oo 45 sano jir ah ayaa laba sano ka soo ciyaaray kooxda PSG wuxuuna hore ugu soo noqday kabtan kooxdeeda ah  wuxuuna caan ka yahay jamaahiirteeda dhexdeeda taas oo ka caawin karta in uu Emery badal u noqon karo.

Si kastaba ha ahaatee, in wax isbadalaan waxaa sal u ah haddii Unai Emery laga caydhiyo shaqada PSG maadaama oo uu la dhibtoonayo qaabkii uu ku farxad galin lahaa Neymar Jr.

Comments

comments