Maxaa Kasoo Kordhay Dhaawacyada Karim Benzema, Jovic, Hazard iyo Sergio Ramos Maalin Ka Hor Kulanka Sevilla?

Advertisements

Real Madrid ayaa shalay samaysay tababar ay iskugu diyaarinaysay kulanka ay garoonka Santiago Bernabeu ku martigelin doonto Sevilla, kaas oo ay u baahan tahay inay guul ka keento kaddib faarxaddii ay kala soo laabatay waddanka Saudi Arabia oo ay kusoo qaadeen Spanish Super Cup.

Advertisements

Real Madrid oo ay dhaawacyo ka ahaayeen Karim Benzema oo seegay safarkii Saudi Arabia, Sergio Ramos oo kulankii ugu dambeeyey ee finalka lugta hoose waxyeello kasoo gaadhay, Luka Jovic oo aan kasoo xaadirin tababarka maalmihii ugu dambeeyey, Eden Hazard oo saddex bilood jiifa iyo Marco Asensio oo aan xili ciyaareedkanba garoomada lagu arag, ayaa waxa tababare Zinedine Zidane uga soo baxay war uu ku farxay.

Zidane waxa uu shalay soo dhoweeyey Karim Benzema iyo Luka Jovic oo tababarka si buuxda u qaatay, isla markaana diyaar u ah kulanka Sevilla ee Sabtida, sidoo kalena Gareth Bale iyo Marcelo oo horeba ugu soo laabtay kooxda ayaa sii watay carbiska iyagoo aan wax dhibaato ah dareemaynin.

Eden Hazard oo la filayey inuu usbuucan kusoo laabto garoomada ayaa mar kale dib u dhacay, waxaanu ka maqnaa tababarkii u dambeeyey, laakiin waxa uu sameeyey orod iyo jimicsiyo kale oo uu meel gaar ah ku qaadanayey.

Kulanka Sevilla oo uu ganaax kaga maqan yahay Fede Valverde oo ganaax ah, ayaa waxa aan tababarkii ay kooxdu iskugu diyaarinaysay kasoo xaadirin kabtanka kooxda Sergio Ramos oo ku dhowaad laba toddobaad maqnaanaya.

Marco Asensio ayaa isaguna dib u bilaabay orodka, waxaana maalmihii ugu dambeeyey lagu arkayay garoonka isagoo kalidii jimicsanaya, laakiin muddo ayay qaadan doontaa inta uu jidhkiisu diyaar ku noqonayo maadaama uu ku dhowaad lix bilood dhaawac u jiifay.

Advertisements