Maxaa Kasoo Cusboonaaday Xaalada Dhaawac Ee Lionel Messi & Luis Suarez, Miyay Taam U Yihiin Kulanka Valencia Iyo Borussia Dortmund? Halkan Kaga Boggo Faah-Faahin.

Kooxda ree Spain ee Barcelona iyo jamaahiirteeda ayaa ah kuwo war wanaagsan ka helaya dhaawacyada hoggaanka weerarka kooxdooda ee Lionel Messi iyo Luis Suarez oo mudooyinkii ugu dambeeyay ka maqnaa.

Aan ku horraynee Luis Suarez ayaa sii wada kasoo kabashada dhaawac kubka ah oo ku gaadhay kulankii furitaanka La Liga ee ay guuldarrada kala soo laabteen Athletic Bilbao.

Image

Sida ay sheegayaan kooxda dhakhaatiirta ee Barca, Soo kabashada weeraryahanka ree Argentina ayaa ah mid haysa wadadii saxda ahayd waxaana la filayaa inuu ugu dambayn xiddigaha kale ee kooxda tababarka kula biiri doono Arbacada.

Dhinaca kale Barca ayaa sidoo kale war wanaagsan ka helaysa kabtankeeda Lionel Messi kaas oo qudhiisa uu gaadhay dhaawac kubka ahi 5-tii bishii August ee hore.

Messi ayaa la filayay inuu soo laabto kulankii Real Betis ee 25-kii August balse go’aanka dhakhaatiirta kooxda ayaa ahaa inaan halis la gelin oo aan la dedejin.

Si kooban, Messi iyo Suarez ayaa la filayaa inay labaduba taam u noqon doonaan kulanka ugu soo horreeya ee La Liga oo ay qaabilayaan Valencia iyo midka ay saddex maalmood kaddib booqan doonaan kooxda Borussia Dortmund kulankoodda furitaanka Champions League.