Maxaa Kasoo Cusboonaaday Rabitaankii Man United Ee Daafaca Leicester City Harry Maguire, Miyuu Old Trafford Kusoo Wajahan Yahay Mise?

Maamulka kooxda Manchester United ayaa wali halkooda kasii wada rabitaankooda daafaca dhexe ee kooxda Leicester City ee Harry Maguire xilli ay wax ka yar laba toddobaad ka hadheen suuqa kala iibsiga ee horyaalka Premier League.

Daafaca Manchester ayaa ahaa mid aad u nugul xilli ciyaareedkii hore ee 2018-19 waana sababta keentay in guddoomiye ku xigeenka kooxda ee Ed Woodward iyo madaxda kale ee suuqu ay ka shaqeeyaan saxeexa Maguire.

Xilli ciyaareedkaas tagay ayaa si gaar ahaaneed dhibaato ugu ahaa saddexleyda daafac ee Phil Jones, Ashley Young iyo Eric Bailly oo dhaawacyo iyo ciyaar xumo isku darsaday taas oo ugu dambayn dhalisay in 54 gool laga dhaliyo kulamada horyaalka.

Kaddib hoos u dhaca daafaca ee kooxda waa sababta ay haatan United qiimaha aadka u sarreeya ugu doonayso Maguire oo shaqsiyaad badani u arkaan midkii xasili lahaa daafaca kooxdaas.

Haatan wariyaha BBC ee Simon Stone ayaa shaaca ka qaaday war aan u wanaagsanayn dhagaha jamaahiirta Red evils waxaana uu sheegayaa aan wali wax is af-garad ah laga gaadhin qiimaha Maguire.

Leicester ayaa wali kusii adkaysanaysa rabitaankeeda lacagta 90-ka Milyan ah halka maamulka Manchester United ay qiimahaas u arkaan mid aan macquul ahayn oo ay iyagu doonayaan bixinta ugu badnaan 70 Milyan.

Ilaa wakhtiga ay Leicester sii wadayso inay ku taagnaato rabitaankeeda qiimaha 90-ka Milyan ah ayaan la filayn in Harry uu ka baxo King Power Stadium.

Dhinaca kale khabiirka kubadda cagta Talyaaniga ee Gianluca Di Marzio ayaa taageeray aragtida ah in heshiiskaasi uu mar uun qabsoomi doono kahor inta uusan xidhmin suuqa Premier League 8-da bisha August.