Maxaa Kasoo Cusboonaaday Dhaawacii Uu Qabay Roberto Firmino Miyuuse Diyaar U Yahay Kulanka Bayern Munich Ee Caawa? Xog Cusub Oo La Helay Saacado Kahor Ciyaarta.

Waxa shaki xoogani ku jiray taam ahaanshaha xiddiga kooxda Liverpool ee Roberto Firmino iyo haddii uu wajihi doono Bayern Munich kulanka caawa ee Champions League waxaana xog cusub laga helay arrinta dhaawaciisa.

Jamaahiirta Liverpool ayay u noqon doontaa farxad weyn kaddib markii la helay xog ah in Firmino uu ciyaari doono kulanka caawa iyadoo ay saacado ka hadheen kulanka.

Sababta loo cuskanayo in Roberto uu taam u yahay kulanka Bavaria ee caawa ayaa ah maadaama oo uu Anfield lasoo gaadhay xiddigaha kale ee kooxdiisa oo halkaas soo gaadhay.

Firmino ayuu shaki soo galay inuu kulankan diyaar u yahay kaddib markii uu tababarkii kooxdiisa ku seegay xanuuno  iyo saamayn uu Virus ku reebay.

Daniel Sturridge ayaa la fahamsan yahay inuu diyaar ahaa ahaana doono haddiiba Firmino kulankan taam buuxa u noqon waayo.

Sturridge ayaa ahaa mid gaadhay shabaqa PSG ee kulankii bishii September ay 3-2 ku adkaadeen waxaana sidoo kale kulankaas gool ku darsaday Firmino oo isagu wakhtigii dhimashada dhaliyay goolka lagu kala baxay.

Dejan Lovern ayaa ah ciyaartoyga sida hubaasha ah kulankan u seegaya kaddib markii uu wax qayb ah ka qaadan waayay tababarkii Isniintii iyadoo ay markii hore jireen rajooyin laga qabo inuu kulankan kasoo gaadho.

Halkan Kaga Boggo Sawirrada Xiddigaha Liverpool Ee Imaatinkoodii Anfield Ee Maanta:

Roberto Firmino has handed Liverpool a potential boost ahead of the visit of Bayern Munich

Jurgen Klopp wheels his suitcase into Anfield as Liverpool arrived on Tuesday afternoon

Mohamed Salah looks set to play a crucial part as Liverpool restart their European campaign

Liverpool forward Sadio Mane waves for the camera after arriving at Anfield ahead of the game

Captain Jordan Henderson makes his way into the stadiumStriker Daniel Sturridge arrives at Anfield

Georginio Wijnaldum chats with Naby Keita and Divock Origi ahead of the game

Trent Alexander-Arnold brings his luggage along as he gets set to start at right-back