Maxaa Kasoo Cudboonaaday Xaalada Dhaawac Kasoo Kabasho Ee Alisson Becker & Naby Keita? Xog Cusub Oo Laga Helay Taam Ahaanshaha Xiddigahan Muhiimka U Ah Klopp.

Liverpool ayaa markale soo laaban doonta Sabtida soo socota kaddib kulamada caalamiga ah waxaana ay gegida Anfield kusoo dhawayn doontaa dhigeeda Newcastle United kulan ka tirsan toddobaadka shanaad ee Premier League.

Reds haatan waa hoggaanka horyaalka waana kooxda kaliya ee haysata guulo 100% ah kaddib markii ay kasoo adkaatay dhammaan afarta kooxood ee kala ah Norwich City, Southampton, Arsenal iyo Burnley.

Haddaba, Kahor kulankaas ay Newcastle iyo Liverpool fooda is dari doonaan, Il wareedka caanka ah ee Liverpool Echo oo gaar u ah kooxaha Liverpool iyo Everton ayaa qiimeeyay xaalada dhaawacyada Alisson Becker iyo Naby Keita.

Adrian ayaa haatan ah goolhayaha booskii Alisson usii buuxinaya Reds kaddib dhaawacii kubka ahaa ee goolhayaha ree Brazil ku gaadhay kulankii furitaanka ee ay Norwich la yeesheen.

Sidoo kale Keita ayaa u maqan dhaawac feedha ah waana dib u dhac kale oo ku yimid waayihiisa ciyaareed ee Anfield oo uusan wali si buuxda ugu xasilin tan iyo imaatinkiisa.

Haddaba, Liverpool Echo ayaa sheegay in Alisson Becker uu wakhtiga fasaxa qaramada sii wado ka shaqaynta soo laabashadiisa isla markaana uu Liverpool kusoo laaban karo gudaha bishan June.

Il wareedkan ayaa dhinaca kale xusay in Liverpool aysan wali wax xog ah oo dhammaystirin kasoo saarin dhaawaca feedha ee Keita isla markaaana aysan wakhti uu kusoo laabanyo shaacinin.

1 Comment

Comments are closed.