Maxaa Kasoo Baxay Shirkii Dhex Maray Wakiilka Matthijs De Ligt & PSG, Miyay Rajadii Man United & Barcelona Ee Da’yarkani Soo Dhammaatay?

Da’yarka kooxda Ajax ee Matthijs De Ligt ayaa ah mid wali mustaqbalkiisa aan si buuxda loo xalin waxaana halkooda kasii wada inay midiba mar la xaajooto kooxaha ugu waaweyn qaarada Yurub qaarkood.

Paris Saint-Germain ayaa loo arkaa kooxda haatan hoggaanka u qabatay tartankan kasta oo loogu jiray qancinta 19 jirkan balse waxaan marnaba meesha ka maqnayn Man United iyo Barcelona.

Sidii aan horeba idiinla soo wadaagnay wakiilka Matthijs oo lagu magacaabo Mino Raiola ayaa dhawaan ku sugnaa dalka France gaar ahaan magaalada Paris si uu PSG ula meel dhigo heshiis ay kula wareegto da’yarka.

Shabakada ESPN ayaa dhawaan ka faalootay wax ku saabsan wadahadal dhex maray Raiola iyo maamulka Paris Saint-Germain waxaana ay sheegayaan in De Ligt miiska loo saaray mushahar£211,000 kun ah toddobaadkii.

Marka laga yimaado heshiiska shaqsiga ah ee De Ligt, Kooxdiisa Ajax ayaa doonaysa inay ku iibiso £66.5 Milyan haddiiba ay fasaxayso waxaana ay lacagtaasi u muuqataa mid aan wax dhib ah ku haynin Paris.

Barcelona qudheeda ayaan walaac badan ka qabin bixinta lacagta ay dalbanayso kooxdu balse kooxda ree Spain ayaa dhibaatada weyn ka maraysa aqbalida mushaharka uu doonayo De Ligt iyo waliba lacagaha uu heshiiska ku helayo wakiil Raiola.

Si kastaba, Matthijs ayaa udub dhaxaad kasoo ahaa kooxdiisa xilli ciyaareedkii dhammaaday waxaana uu kusoo guuleeyayay labada koob ee maxaliga ah isaga oo suurogaliyay inay soo gaadhaan afar dhammaadka Champions League.

De Ligt ayaa in ka badan 100 kulan usoo ciyaaray Ajax waxaana uu qandaraaskiisa haatan ku eeg yahay 2021 waana sababta qasbaysa in kooxdiisu ay fasaxdo si uusan u qiime jabin.