Maxaa Ka Soo Kordhay Xaalada Dhaawacyadii Neymar Jr & Kylian Mbappé Ee Ka Hor Kulanka PSG & Liverpool?

Kooxda PSG ayaa walwal badan la kulantay kadib markii ay hal habeen dhaawacyo soo wada gaadheen xidigaha kooxdeeda ugu muhiimsan ee Neymar Jr iyo Kylian Mbappé intii lagu jiray habeenkii ugu danbeeyay kulamadii caalamiga ahaa ee xulalka qaramada aduunka.

Neymar Jr iyo Kylian Mbappé ayaa seegay kulankii ugu danbeeyay ee ay kooxdooda PSG ka soo ciyaartay horyaalka France waxaana shaki xoogan la galinayay in ay diyaar u noqon karaan kulanka adag ee ay PSG arbacada soo dhawayn doonto Liverpool.

Laakiin wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in maanta oo isniin ah ay Mbappe iyo Neymar Jr si caadi ah ugu soo laabteen tababarkii kooxdooda PSG taas oo sare u soo qaadaysa hamgii kooxda reer France ee ahaa in labadan xidig ay taam u noqdaan kulanka Liverpool.

Ugu horayn wargayska dalka France ka soo baxa ee Le Parisien ayaa xaqiijiyay in Neymar iyo Mbappe ay si caadi u qaateen tababarkii kooxdooda ee maanta oo isniin ah inkasta oo aan wali la xaqiijin in ay taam buuxa u yihiin kulanka Liverpool.

Laakiin sida aad muuqaalka hoose ka dawaan karto wariyaha reer France ee Matt Spiro ayaa warbixin laga baahiyay BeIN Sports 11 waxa uu ku xaqiijiyay in Neymar JR iyo Mbappe ay maanta ka soo xaadireen tababarkii kooxdooda PSG.

Matt Spiro ayaa isna cadeeyay in wali aan la hubin in xaalada Neymar Jr iyo Mbappe ay suurtogal ka noqon doonto in ay ciyaaraan kulanka Liverpool balse ay maanta oo isniin ah qayb ka ahaa tababarkii kooxdooda PSG.

Halkan ka daawo muuqaalka Matt Spiro ee BeIN Sports kaas oo uu uga hadlayo xaaladii Neymar iyo Mbappe.

Si kastaba ha ahaatee, waxay hadda u muuqataa in Neymar iyo Mbappe ay haystaan fursad wayn oo ay kaga soo muuqan karaan kulanka kooxdooda muhiimada wayn u leh ee Liverpool ee Champions league.