Maxaa Ka Soo Kordhay Dagaalka Kooxaha Barcelona & PSG Ee Saxiixa Philippe Coutinho? Iyo Ciyaartoyda Ree Brazil Ee PSG Xulofada Ku Noqday Oo Jiidanaya Coutinho.

Mustaqbalka kubbad sameeyaha kooxda Liverpool ee Philippe Coutinho ayaa wali u muuqda mid ay si xoogan ugu dagaalamayaan kooxaha Barcelona iyo PSG. Wararkii ugu danbeeyay ee xaalada Coutinho ayaa muujinaya waji cusub iyo tartan cusub oo markale dhex maraya labada kooxood ee suuqa ku coloobay ee Barcelona iyo PSG.

Laakiin Coutinho ayay haysataa laba arimood oo muhiim ah in uu kala doorto haddiiba uu ka baxayo Liverpool taas oo ah in uu ku biiro xulufada ciyaartoyda ree Brazil ee PSG ka buuxsantay ee ay ugu horeeyaan Neymar Jr, Dani Alves, Marquinhos iyo Thiago Silva iyo in uu doorto kooxda uu qalbigiisu raacay ee Barcelona taas oo isku dayay in uu Reds ku qasbo in laga iibiyo xagaagii la soo dhaafay.

Wargayska Sport ee Barcelona ka soo baxa ayaa shaaciyay in wakiilka Philippe Coutinho ee Kia Joorabchian in uu kulan la qaatay agaasimaha ciyaaraha kooxda PSG ee Antero Henrique intii algu jiray xafladii abaal marinaha FIFA ee habeen hore ka dhacday magaalada London.

Warka uu daabcay wargayska Sport ayaa xaalada adag ku sii abuuraya kooxda Barcelona oo isla usbuucan magaalada London u soo dirsatay laba masuul oo uu hogaaminayay agaasimaha ciyaaraha ee Robert Fernandez kuwaas oo Coutinho ku daawaday kulankii Tottenham.

Dhinaca kale wargayska Mudo Deportivo ayaa isna qoray in Liverpool ay warkeeda u cadaysay Barcelona isla markaana ay u sheegtay in suuqa bisha January ay adeega Coutinho ku heli karto  £135 milyan oo gini taas oo haddii ay wax ka dhiman yihiin aanu xidiga ree Brazil ka bixi karin Anfield.

Laakiin PSG ayaa heli karta fursad ka fiican Barcelona iyada oo Liverpool soo celisay xiisihii ay u qabtay Julain Draxler oo aan boos joogto ah ku haysan PSG, waxaana jiray warar soo baxay oo sheegayay in Liverpool ay doonayso in badalka Draxler ay ka dhigato badlaka Coutinho balse lama oga haddii Reds aqbli karto lacag kaash ah iyo Draxler haddii ay PSG dalabkeeda ka dhigto.

Jurgen Klopp ayaan hadda maamulka kooxdiisa ka hor joogsna doonin in Coutinho ay iibiyaan haddii ay dhacayso in lacagta ay doonayaan ay ku heli karaan, waxaana hadda macalinka ree Germany haysata dhibaato ka wayn tan Coutinho oo ah sidii uu ku xalin lahaa musiibada difaac ee kooxdiisa ku habsatay.

Si kastaba ha ha ahaatee, mustaqbalka Coutinho ee Liverpool ayaa markale cirka isku sii shareeraya iyada oo laba bilood kadib uu dib u furmi doono suuqa kala iibsiga waqtiga qaboobaha ee January.

Comments

comments