Maxaa Ka Jiray In Tammy Abraham Uu Chelsea Weydiistay In Laga Dhigo Xiddiga Ugu Mushaharka Badan Kooxda? Abraham Ayaa Ugu Dambayn Xog Laga Helay.

Weeraryahanka kooxda Chelsea ee Tammy Abraham ayaa ugu dambayn fal-celin ka sameeyay wararkii sheegayay inuu kooxdiisa ka codsaday in laga dhigo xiddiga mushaharka ugu badan ka qaata si uu heshiis cusub u saxeexo.

Sida laga warqabo Abraham oo xilli ciyaareedkan noqday weeraryananka dookha koowaad ee Chelsea isla markaana 13 gool kusoo dhaliyay 25 kulan oo Premier League ah ayaa diiday heshiis kordhintii kooxdiisa.

Sida ay wararka hore sheegayeen Abraham ayaa kooxdiisa u sheegay inay siiyaan mushahar ka badan 180,000 kun oo Pound si uu mustaqbalkiisa dhaw oo dhan ugu hibeeyo.

Abraham ayaa ka warqaba in xiddigaha kooxdiisa Chelsea kuwo badan oo kamid ahi ay dhawaan heshiisyo cusub saxeexeen mushahar sarreena loo qoray sida Callum Hudson-Odoi oo dhawaan qandaraas uu saxeexay toddobaadkii ku hela 180,000 kun oo Pound.

Haatan, Bog ay jamaahiirta Blues ku leeyihiin barta Instagram ayaa soo xigtay qoraal uu leeyahay wargeyska The Telegraph oo sheegaya inay been abuur ahaayeen wararkii ahaa in Abraham uu toddobaadkii doonayo mushahar ka badan 180,000 kun oo Pound.

Abraham ayaa ku qasbanaaday inuu faalo (Comment) ka bixiyo qoraalkaas isagoo sheegay inuu yahay warka xaqiiqda ah ee uusan isagu doonayn lacag sidaas u badan sidii hore looga baahiyay.