Maxaa Ka Jira In Xulka Brazil Uu Diyaarad Duuliye La’aan Ah Ku Basaasay Dhigiisa Peru? Tababaraha Samba Ee Tite Ayaa Ka Jawaab Celiyay.

Tababaraha xulka Brazil ee Tite ayaa wax laga weydiiyay wararka dhawaan soo baxay ee sheegaya in xulkiisa Brazil uu ku kacay fal basaasnimo isla markaana ay diyaarad duuliye la’aan ah kusoo basaaseen xulka Peru ee ay dhawaan la kulmi doonaan.

Wargeyska kasoo baxa dalka Peru ee lagu magacaabo Libero ayaa dhawaan faafiyay war yaab ku noqday dunida kubadda cagta waxaana uu sheegay in ay diyaarad duuliye la’aan ah u dirasadeen xulka uu hoggaanka u yahay tababare Ricardo Gareca oo tababar qaadanaya.

Labadan xul qaran ayaa haatan ku jira diyaar garaw ay iskugu diyaarinayaan kulanka ugu dambeeya Group-kooda iyadoo midkasta oo kamid ahi uu dadaal dheeri ah ku bixinayo sidii uu ugu bixi lahaa wareega xiga ee siddeed dhammaadka.

Haddaba, Kahor kulankaas ayuu tababare Tite si buuxda u beeniyay wararka uu sheegay Libero ee ah inay diyaarad duuloye la’aan ah u dirsadeen xerada tababarka ee Colombia isaga oo sheegay in haddii guushu sidaad ku xidhantahay uu ciyaaraha iska dhaafi doono.

“Qaata eraygayga daacadnimada ah ee ah inaysan halkaas waxba ka jirin, Erayga daacadnimada ah, Haddii ay tahay inaad qiimahan ku bixiso inaad guuleysato, Waxaan qaadan doonaa Taxi-gayga oo aan tagi doonaa gurigayga” Ayuu yidhi tababare Tite.

Labadan xul qaran ayaa kahor kulanka ay is arki doonaan leh min afar dhibcood waxaana booska saddexaad ku jirta Venezuela oo hal dhibic leh halka Bolivia aysan wali wax dhibco ah kasban.