Maxaa Ka Jira In Sadio Mane Uu Dhaawac Ku Gaadhay Kulankii Shalay Ee Brazil vs Senegal – Miyuu Seegi Karaa Kulanka Muhiimka Ah Ee Man United?

Garabka kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa cabsi cusub ku abuuray jamaahiirta kooxdiisa kaddib cadaadis uu  Dani Alves kala kulmay kulankii uu shalay xulkiisa Senegal bar-bardhaca min 1-ka gool ah la galay Brazil.

Kaddib isku dhaca isaga iyo Alves, Sadio ayay kaameeradu qabatay isaga oo u soconaya si aan wanaagsanayn taas oo keentay in looga cabsado inuu dhaawac ku gaadhay.

Sadio Mane

Kaddib dhacdadaas hadal laga qabtay tabiyaha TV-ga Liverpool ayaa ahaa mid werwer cusub sii abuuray kaddib markii uu yidhi “Waa cabsi laga qabo Sadio Mane, Haatan ayuu la kulmay darbad”.

Marka laga yimaado cadaadiskaas uu Mane kala soo kulmay Alves iyo dhaawaca looga shakisanaa, Warka u wanaagsan taageerayasha kooxdiisa Liverpool ayaa ah inuu ciyaaray dhammaan 90-kii daqiiqo ee kooxda oo uusan bedel u baahan.

Taas ayaa la micno ah in Sadio uu diyaar u yahay kulanka ay 20-ka bishan kooxdiisu booqanayso Old Trafford markaas oo ay kulan lasoo ciyaari doonto Manchester United.