Maxaa Ka Jira In Koobka Horyaalka Premier League Uu Ka Dhacay Ciyaartoyda Man City Oo Uu Burburay+Muuqaalka Baraha Bulshada Qabsaday.

In koobka horyaalka Premier league uu burburay ayaa baraha bulshada qabsaday kadib markii uu soo ifbaxay muuqaal arintan su’aalo badan looga keenay.

Kooxda Manchester City ayaa magaalada Manchester ugu dabaal degtay saddexda koob ee ay ku soo guulaystay iyaga oo dariiqyada kula wareegay saddexda koob iyo jamaahiirtooda.

Laakiin waxaa baraha bulshada qabsaday muuqaal kooban kaas oo lagu sheegay in koobka horyaalka Premier league uu ka dhacay ciyaartoyda Man City isla markaana uu burburay.

Ciyaartoyda Man City ee Sergio Aguero iyo Kevin de Bruyne ayaa ku jira muuqaalka kooban ee lagu soo bandhigay baraha bulshada markaas oo qoslayaan isla markaana la arkay walxo calaamada koobka Premier league oo dhulka yaala.

Arintan ayaa keentay in baraha bulshada si wayn loogu baahiyay waxayna sabab u noqotay in warbaahinta England ay xidhiidh la sameeyaan masuuliyada Man City si ay arintan u xaqiijiyaan.

Ma aha markii ugu horaysay ee uu koobka horyaalka Premier league ka dhacay ciyaartoyda Man City balse Zinchenko ayuu hore uga dhacay taas oo keentay in xili ciyaareedkii hore uu koobka Premier league u baahday in dib u hagaajin lagu sameeyay.

Laakiin jamaahiirta Man City ayaaba u arkay in haddii uu koobka Premier League kooxdooda ka dhacay in ay riyo fiican tahay maadaama oo ay ku doodeen in markii ugu danbaysay ee uu Zinchenko ka dhacay ay koobka difaacdeen.

Balse Sky Sports News ayaa shaaciyay in ay xidhiidh toos ah la sameeyeen maamulka Man City si ay u ogaadaan haddii koobka Premier League uu ka dhacay ciyaartoyda oo uu burburay.

Maamulka Manchester City ayaa Sky Sports News u xaqiijiyay in koobka Premier League uu bad qabo isla markaana ayna wax dhibaato ahi soo gaadhin waxayna u sheegeen in muuqaalka soo baxay yahay si ka duwan waxa la arkay.

Manchester City ayaa sheegtay in muuqaalka lagu baahiyay baraha bulshadu uu yahay mid laga soo qaaday TV-ga kooxdeeda oo aanu koobka rasmiga ah ee Premier League ahayn.

Xafladayntii Mancheser City ee Koobka Premier League

Haddaba halkan ka daawo muuqaalka baraha bulshada qabsaday ee lagu sheegay in ciyaartoyda Man City uu koobka Premier League ka dhacay iyo waliba falcelintii muuqaalkan la soo raaciyay.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester City ayaa xafladayn wayn u samaysay saddexda koob ee ay ku soo wada guulaysteen iyaga oo magaalada Manchester buluug ka dhigay isla markaana Manchester United xaalada ku sii xumeeyay.