Maxaa Diidaya In Arsenal Ay Haatanba Tababare U Magacawdo Midkood Brendan Rodgers Ama Nuno Espirito Santo? Xog Cusub Oo La Helay Oo Wax Badan Caddaysay.

Arsenal ayaa haatan raadinaysa tababare cusub oo ay kooxdeeda ku aaminto kaddib caydhintii Unai Emery balse waxa suurogal ah inay jiraan waxyaabo kahor istaaga magacaabista tababarayaal ay kamid yihiin Brendan Rodgers oo Leicester City wacdarro ku dhigaya iyo midka Wolves ee Nuno Espirito Santo.

Tababare Emery ayaa kaliya 18 bilood joogay Arsenal balse qaab ciyaareedyo xun iyo natiijooyin aan wacnayn oo ay xilli ciyaareedkan sameeyeen ayaa qasabtay inuu shaqadiisa waayo KMG ahaana loogu dhiibo ku xigeenkiisii Freddie Ljungberg.

Iyadoo ay madaxda sarre ee Arsenal haatan doonayaan tababare jihada saxda ah ku hoggaamiya kooxdooda ayay haddana dhinaca kale ku shaqaynayaan lacago xadidan sida uu sheegayo wargeyska Daily Mail.

In lacagaha ay siinayaan tababarahooda xiga ay tahay mid xadidan ayaa kahor istaagi karaysa inay sameeyaan saxeexa tababarayaal waaweyn oo magac leh.

Advertisements

Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in tababare Unai Emery uu mushahar ahaan u qaadan jiray £4 Milyan sanadkii maamulka Gunners-na ay diyaar u yihiin inay kor u qaadaan lacagtaas marka ay tababare rasmi ah yeeshaan balse aysan bixin doonin lacago ka dhigaysa macalinkooda xiga mid kamida kuwa ugu mushaharka badan Yurub.

Arrintan ayaa lala bar-bardhigay mida Tottenham oo dhawaan caydhisay Pochettino oo mushahar ahaan u qaadan jiray £7,5 Milyan balse ay ku bedeshay Mourinho oo qaata £15 Milyan taas oo ceeb ku ah Arsenal.

Advertisements