LA OGAADAY: Maxaa Dhex Maray Lionel Messi Iyo Xidiga Kooxda Olympiacos FC Ee Alberto Botia, Kadib Markii Uu Soo Idlaaday Kulankii Ku Champions Leaque-gu?.

Xidiga ree Argentina ee kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa iska caabin xoogan wuxuu la kulmay inta lagu gudi jiray kulankii Champions Leaque ay kula ciyaareen Olympiacos, gaar ahaan kadib markii uu cadaadis xoogan uu kala kulmay difaaca ree Spain Alberto Botia, wuxuuna ku guuleysto inuu ka ilaaliyo in Messi uu gaadho shabaqa kooxda Olympiacos.

Kulanka ayaa wuxuu kusoo idlaaday barbaro 0-0 ay labada kooxood ku kala qaateen dhibcaha, wuxuuna Alberto Botia ku guuleystay inuu joojiyo halista kooxdiisa Olympiacos kaga imaan kartay Lionel Messi, wuxuuna isku dayay difaaca ree Spain kulanka kadib inuu raali galiyo xidiga ree Argantina.

Laakiin Messi oo si aad ah u cadheysnaa cadaadiskii xooganaa uu kala kulmay Alberto Botia, ayaa iska diiday raali galinta kaga timid dhankiisa wuxuuna yidhi: “Waxaad marar badan igu sameysay waxaan wanaagsaneyn, hadana waxaad dooneysaa inaad iga raali galiso, looma baahna inaad iga raali galiso”.

Si kastaba Barcelona ayaa ku hogaamineysa Group D iyagoo leh 10 dhibcood, waxaana kusoo xigta dhigeeda ree talyaani ee Juventus oo iyana leh 7 dhibcood, Sporting Lisbon ayaa soo heshay 4 dhibcood waxayan group-kan kaga jirtaa booska 3aad, halka Olympiakos kulamadii ay soo ciyaartay ay ka heshay 1 dhibic oo kaliya.

Comments

comments