Maxaa Dhex Maray Cristiano Ronaldo Iyo Ciyaartoyda Kooxda FC Girona Kadib Dhamaadkii Guudaradii Kulankii La Liga? Kabtanka Labaad Ee Girona Ee Alex Granell Oo Sharaxaad Ka Bixiyay.

Cristiano Ronaldo ayaan si fiican uga falcelin guuldaradii kooxdiisa Real Madrid ka soo gaadhay kulankii La Liga ugu danbeeyay ee ay martida u soo noqdeen kooxda heerka labaad ee ka soo dalacday ee FC Girona wuxuuna xidiga ree Portugal uu garoonka Montilivi ka baxay isaga oo cadhaysan kadib guuldarada kooxdiisa soo gaadhay iyo in aanu wax goolal ah dhalin awgeed.

Laakiin kabtanka ku xigeenka kooxda FC Girona ee Alex Granell ayaa faah faahin ka bixiyay hadalo dhex maray Cristiano Ronaldo iyo in uu iska diiday in ciyaartoyda Girona uu garankiisa ka badasho. Alex Granell oo la hadlay barnaamijka ‘Fricandó Matiner’ ee difaaca RAC105 ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta uu Ronaldo u diiday in uu isaga ama ciyaartoyda kooxdiisa uu maaliyada ka badasho.

Alex Granell ayaa soo qaatay hadaladii uu Ronaldo kala kulmay isaga oo ku eedeeyay kooxda Girona in si xun oo qaladaad badan dhamaadkii ciyaarta ku idlaysatay laakiin Alex Granell ayaa xusay in Ronaldo uu u sheegay in waxa ay guusha ku gaadheen aanu ahayn mucjiso balse ay ahayd shaqo wayn oo ay garoonka ku qabteen.

Ugu horayn kabtan ku xigeenka Girona ee Alex Granell oo ka hadlaya wixii dhex maray Ronaldo kadib kulankii axadii ayaa yidhi: “Waxa uu isagu ii sheegay in aanu doonayn (maaliyad badalashada) sababtoo ah isagu muu jeclaysan sidii aanu u maamulnay daqiiqadihii ciyaarta ugu danbeeyay. Waxa uu ii sheegay in aan u muuqday ciyaartoy fiican balse aanu maaliyadiisa aniga ii badalayn”.

Alex Granell oo fahasan in Ronaldo uu ka cadhaysnaa in kooxdiisa Real Madrid ay guuldaro kala kulantay koox yar oo heerka labaad ka soo baxday ayaa yidhi: “Anigu waxaan Ronaldo u sheegay in wixii aanu gaadhnay aanu mucjiso ahayn laakiin uu ahaa shaqo wayn. Waxaanu haysanaa khibradii sanadihii kale ee aanu in yar si sax ah u ciyaarnay”.

Alex Granell oo ka hadlaya in ay sanado hore u soo bixi kareen horyaalka La Liga ayaa yidhi: “Haddii aanan sanado kale si nadiif ah u ciyaari lahayn laga yaabee in aanu xili hore u soo dalici lahayn La Liga”.

Real Madrid ayaa qaybtii hore ee kulankii Girona 1-0 hogaanka ciyaarta ku haysay balse markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayaa dardar waali ah ku keensadeen laba gool oo deg deg ah iyaga oo waliba ka faa’iidaystay in Varane uu dhaawac soo gaadhay isla markaana ay Nacho markiiba qaladaad ku sababeen.

Halkan ka daawo muuqaalka barnaamijka uu Alex Granell arintan uga waramay.

Comments

comments