Mauro Icardi Oo Qas Cusub Abuuray, Kooxahii Doonayay Oo Ay Dhagtu U Taagantahay & Tababare Luciano Spalletti Oo Sheegay Fal Uu Ku Kacay Kaddib Kulankii Sampdoria.

Tababaraha kooxda Inter Milan ee Luciano Spalletti ayaa banaanka keenay talaabo kale oo uu qaaday xiddiga kooxdiisa ee Mauro Icardi kaas oo maalmihii ugu dambeeyay aan ku jirin xaaladiisii ugu fiicnayd isla markaana ay kooxda isku dhaceen.

Icardi ayaa dhawan laga qaaday xilka kabtanimo ee Inter Milan oo lagu wareejiyay Samir Handanovic waxaana uu kulamadii ugu dambeeyay ku maqan yahay dhaawac jilibka ah isagoo qaybta sarre ee garoonka kasoo daawanayay kulankii Sampdoria ay xalay kooxdiisu guusha ka gaadhay.

Haddaba, Tababare Spalletti ayaa shaaciyay inuu ku farxay in Icardi uu kasoo muuqday garoonka isla markaana kooxda daawaday balse uu qaaday talaabo kale oo xun oo ah inuusan iman qolka labiska ee kooxda si uu xiddigaha ula dabaal dego.

Lucaino Spalletti ayaa yidhi “Xaqiiqdii waan la dhacsanaa inuu joogay garoonka waxaanan inbadan sii jeclaan lahaa haddii uu yimaado qolka labiska si uu anaga noola dabaaldego kulanka kaddib”

“Sababtoo ah waxa ay ahayd guul aad ugu muhiim ah kooxda isaguna waa qayb kamid ah kooxdan, Sidaa darteed qiyaas inuu guusha ugu faraxsanaa sidii aanu anagu ugu faraxsanayn”

“Waxaan doonaynaa inaan kusoo noqono sidii caadiga ahayd, Koox dhexdeeda, Qolka labiska waxaad u baahan tihiin dhammaan inaad jiho isku mid ah u shaqaysaan”

“Waxa jira talaabooyin badan oo ay tahay in la qaado, Kuwaas oo ah inuu isagu yimaado qolka labiska, Inuu ku raaxaysto inuu qayb ka ahaado kooxdan aadka u wanaagsan, Inuu ku raaxaysto xidhashada maaliyada sharafta leh ee Inter”