Mauro Icardi Mise Luka Jovic? Weeraryahanka Ay Arsenal U Aragto Bedelka Ugu Haboon Ee Aubameyang Oo La Shaaciyay

Kooxda Premier League ee Arsenal ayaa isku diyaarinaysa nolol uu ka maqan yahay weeraryahanka kooxdeeda ee Pierre Emerick Aubameyang kaas oo loo badinayo inuu suuqa soo socda iskaga tagi doono Emirates Stadium.

Laba kamid ah xiddigaha ugu cad cad ee bedelka Aubameyang loola xidhiidhinayo Arsenal ayaa kala ah Luka Jovic oo Real Madrid ka tirsan iyo Mauro Icardo oo asal ahaan Inter Milan qayb ka ah balse amaah ku jooga Paris Saint-Germain.

Jovic e Icardi, cruz y cara - AS.com

Sida uu sheegayo wargeyska The Sun, xiddiga ay maamulka Gunners isha ku hayaan ayaa ah Jovic oo aan kalsoonida tababarihiisa Zinadine Zidane haysan lana filayo inuu qiimayn doono dalabaadka u imanaya inta uu suuqu furan yahay.

Arsenal ayaa aaminsan inuu Jovic si fiican ugu soo baxayo hanaankooda ciyaareed waxaana ay doonayaan ugu horreynba inay heshiis amaah ah kusoo qaataan isla markaan ay rasmi ula wareegaan.

Wakhti xaadirkan, Jovic ayaa kasoo kabanaya dhaawac xilli ay kubadda cagtu dib u bilaabmayso kaddib markii uu dalkiisa Serbia kasoo noqday isaga oo ka jaban lugta midig markii uu kusoo laabanayay Madrid.

Luka Jovic ayaa 60 Milyan ugu soo wareegay Los Blancos xagaagii 2019 balse nolosha kooxdiisa cusub ayaan ugu bilaabmin sidii ugu wanaagsanayd isaga oo ilaa haatan kaliya laba gool soo dhaliyay inta badana deris la ah kursiga keydka.

 

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook

1 Comment

Comments are closed.