Maurizio Zamparini Oo Ahaa Shaqsigii Paulo Dybala Keenay Horyaalka Talyaaniga Oo Sheegay In Xiddiga Ree Argentina Uu Iskaga Tagi Doono Juventus Suuqa January Xilli Uu Tilmaamay Horyaalka Uu Ku Biiri Doono

Maurizio Zamparini oo ah shaqsi xubin muhiim ah kasoo noqday waayaha kubadda cagta ee Paulo Dybala isla markaana ahaa ninkii soo daawaday isaga oo u ciyaaraya kooxda heerka labaad ee dalka Argentina ee Cordoba Institute ayaa sir weyn ka bixiyay mustaqbalka xiddigan.

Maurizio Zamparini ayaa mar wax laga weydiiyay mustaqbalka xiddigan lagu naanayso ‘La Joya’ war cad ka dhiibay isaga oo sheegay inuu Juventus iskaga tagi doono suuqa bisha January maadaama oo uu dhibane u noqday imaatinka kooxda ee Cristiano Ronaldo.

Zamparini oo u warramayay RMC Sport ayaa sheegay in Paulo uu January raadsan doono koox cusub si uu uga baxsado dhibka ku haysta Allianz Stadium isagoo waliba si gaar ah u calaamadiyay in xiddigani uu u dhaqaaqi doono kooxaha horyaalka Spain ee La Liga.

“January, Waxaan filayaa inuu tagi doono Spain, Markasta oo uusan ciyaarin, Marka uu keydka ku jiro, Waxa jirta sabab dhacdo ah (Oo uu u fadhiyo), Way u fududahay isaga inuu noqdo mid heer sarre ah aniguna waxaan u diray Dybala farriin laba sano kahor si aan ugula taliyo inuu Spain tago”

“Halkaas oo uu kubadda cagta ku ciyaari karo iyo inaanu sii wadin inuu kursiga keydka ka fadhiyo Italy, Waxa uu haystaa dalabaad uga yimid Spain iyo England, Juventus waxay haysata xiddigo badan oo horyaal ah sidaa darteed way adagtahay inay hal mar wada ciyaaraan”

Hadalkan kasoo yeedhay Maurizio Zamparini ayaa farxad gelinaya kooxaha waaweyn ee ree Spain gaar ahaan Barcelona iyo Real Madrid, Waxa uu sidoo kale fursad siin karaa Manchester United oo keeni karta fikrada ah inay ku bedelato Paul Pogba oo looga baaqayo dhinaca Juventus.