Maurizio Sarri Oo Tilmaamay Kooxda Kaliya Ee Uu Doonayo Inaysay Kooxdiisa Chelsea Isku Beegmin Tartanka Europe League, Arsenal, Inter Milan Mise Napoli?

Tababaraha kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa tilmaamay koox uu jeclaan lahaa inayka fogaadaan inta lagu gudo jiro wareegyada bug baxa ee is reeb-reebka tartanka Europe League iyadoo kooxo badan oo xoogani ay ku jiraan tartanka.

Chelsea ayaa doonaysa inay xilli ciyaareedkan ku guuleysato tartanka Europe League maadaama oo uu u muuqdo wadada kaliya ee ay ku geli karaan Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Manchester United iyo Arsenal ayaa ka sarre maray Chelsea oo ay kaga gudbeen kaalinta lixaad ee miiska kala sarreynta PL iyadoo Chelsea dhinaca kale guul 1-2 ah ku furatay is-reeb reebka Europe League oo ay kulanka lugta hore ee wareega 32 ka kaga soo adkaadeen kooxda Malmo.

Haddaba, Tababare Maurizio ayaa sheegay in kooxda kaliya ee uu ka carari lahaa ay tahay kooxdiisii hore ee Napoli taas oo la micno ah inuusan waxba u arag ku aadista kooxaha kale ee waaweyn ee koobka ka qaybta ah sida Arsenal, Inter Milan iyo Sevilla.

Sarri ayaa yidhi “Waan ka fogaan lahaa ku ciyaarista Naples (Gobolka Napoli) haddii ay macquul tahay, Sababtoo ah waxa ay noqon doontaa jawaab aad u dareen badan anigu inaan kulanka diirada saaro”

“Haddii Napoli-Chelsea ay la micno tahay inaan labadeenuba joogno Final, Si kastaba, Markaa kaddib waan ku faraxsanahay labadaba”

Chelsea ayaa kulanka xiga la ciyaari doonta Manchester United kulan ka tirsan FA Cup wareegiisa 5-aad waxaana uu kulankani kusoo aadayaa xilli United ay la kulantay guuldaradeedii ugu horreysay tan iyo magacaabista Solskjaer isla markaana ay Chelsea ku jirto kasoo kabashada guuldaradii cuslayd ee Man City kasoo gaadhay.