Maurizio Sarri Oo Milkiilaha Kooxda Chelsea Ee Roman Abramovich Shuruud Kaga Dhigay In Aysan Bixin Hazard Iyo Willian Hadii Uu Noqonayo Badalka Antonio Conte.

Ilaa iyo haatan Antonio Conte ayaa ah macalinka kooxda Chelsea, sidoo kale wuxuu mas’uul ka haa in la bilaawo tababarka Blues ay ugu diyaar garoobeyso xili ciyaareedka cusub, laakiin Conte ayaa sidoo kale ku dhow in laga fasaxo garoonka Stamford Bridge, isla markaana lagu badalo booskiisa ninka ay isku dalka kasoo wada jeedaan Maurizio Sarri.

Waxaa la filayaa in Maurizio Sarri si rasmi ah loogu magacaabo macalinka cusub ee kooxda Chelsea, laakiin ninka reer Talyaani ayaa wuxuu heshiiska cusub uu u saxiixayo Blues shuruud kaga dhigay in aan kooxda laga iibinin xidigaha muhiimka ka ah, wuxuuna sidaas ku war galiyay milkiilaha kooxda Roman Abramovich.

Maurizio Sarri ayaa doonaya in kooxda Blues aanan laga fasaxin kabtanka xulka qaranka Belgiam Eden Hazard oo haatan bandhig wanaagsan ka sameenaya koobka aduunka 2018 ee haatan ka socda dalka Russia.

Eden Hazard ayaa si xoogan u dhaneeneysa kooxda reer Spain ee Real Madrid  iyo sidoo kale dhigeeda Barcelona, halka Willian isna lala xidhiidhinayo kooxda Barcelona inuu u dhaqaaqi doono suuqan xagaaga.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in laacibka xulka qaranka Brazil iyo kooxda Chelsea Willian uu ku farxi doono hadii uu xirto maaliyada kooxda Barcelona, si uu kaga garab ciyaaro saaxiibkiis Philippe Coutinho.

Sida lagu xusay warbixintan shuruuda macalinka reer Talyaani ee Maurizio Sarri uu hor dhigay milkiilaha kooxda Chelsea ee Roman Abramovich ayaa waxay ka dhigi doontaa in ay ku adkaato xidigaha Eden Hazard iyo Willian ka dhaqaaqista garoonka Stamford Bridge.