Maurizio Sarri Oo Doonaya Inuu Kala Dhantaalo Kooxdiisii Chelsea & LABA Kamida Xiddigaha Uu Lampard Chelsea Dib Ugu Dhisayo Oo Uu Juventus Ka Doonayo.

Tababaraha kooxda Juventus ee Maurizio Sarri ayaa lagu soo warramayaa inuu isha ku hayo qaabkii uu suuqyada soo socda weerar dhinaca suuqa ah ugu qaadi lahaa kooxdiisii Chelsea oo uu haatan tababare ka yahay Frank Lampard.

Labada xiddig ee uu Sarri ka doonayo kooxda iyadu ciyaartoyda u baahan ee suuqu ka xidhnaa ee Chelsea ayaa kala ah Willian Borges iyo Emerson Palmieri oo uu labadaba lasoo shaqeeyay halkii sano ee uu Stamford Bridge joogay.

Natiijada sawirka Willian and Emerson

Sarri ayaa diyaar u ah inuu lacag dhan 20 Milyan miiska u saaro Blues si uu uga helo saxeexa Emerson, Daafacan bidix ayaan joogto ka ahayn shaxda Chelsea wakhtigan Lampard iyadoo ay suurogal tahay inay isku daydo Chelsea inay lacag ka samayso.

Dhinaca kale Willian oo Chelsea kusoo sugnaa tan iyo sanadkii 2013 ayaa qaab xor ah lagu heli karaa dhammaadka xilli ciyaareedkan haddiiba ay kooxdiisu heshiis cusub ka saxeexan waydo iyadoo uu qandaraaskiisu dhacayo.

Advertisements

Blues ayaa wakhti aan fogayn kahor dhawr dalab oo waaweyn ku diiday inay iibiyaan Willian balse haatan ayay u muuqataa inay waxkasta isbedeleen labada dhinacna ay kala dhaqaaqi karaan.

Mid kamida sababaha uu Sarri u doonayo inuu saxeexyo cusub ku sameeyo Juve ayaa ah hoos u dhaca ku yimid heerkii gool dhalinta ee kooxdaas oo kaddib 13 kulan kaliya 23 gool soo dhalisay lix kooxood oo Serie A ahina ay ka goolal badan yihiin.

Advertisements