Mauricio Pochettino Oo Jamaahiirta Liverpool Kaga Farxiyay Hadal U Sheegay Xidigiisa Son Heung-min Iyo Aragtidiisa Kulanka Man City.

Jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa cadho ka muujisay markii uu halyayga Man United ee Gary Neville uu tababaraha kooxda Tottenham ugu baaqay in uu kulanka Man City nasiyo ciyaartoydiisa muhiimka ah ee ka hor kulanka Ajax laakiin macalinka Spurs ee Mauricio Pochettino ayaa jamaahiirta kooxda Liverpool kaga farxiyay hadal uu u sheegay xidigiisa Son Heung-min .

Tabababare Mauricio Pochettino ayaa muujiyay in aanu waxba la hadhi doonin kulanka Man City isla markaana waxa uu xidiga kooxdiisa hadda ugu muhiimsan ee Son Heung-min uu u sheegay in kulanka kaliya ee uu nasan karaa uu yahay kulanka lugta kowaad ee Ajax markaas oo uu ganaax ku maqnaan doono taas oo farxad galisay jamaahiirta Reds.

Liverpool iyo taageerayaasha kooxdeeda ayaa shaashadaha caalamka xaadir ku hor noqon doona marka ay Tottenham ku soo laabto Etihad Stadium halkaas oo ay ay xili qadaha England maanta isku haleeli doonaan kooxaha Man City iyo Tottenham oo la ogaa wixii arbacadii ku soo kala qabsaday Champions league.

Mauricio Pochettino ayaa cadeeyay in sida ay Man City u doonayso in ay koobka Premier league ku guulaysato ay iyaguna u doonayaan in ay afarta sare ku dhamaystaan, wuxuuna meesha ka saaray walwalkii Liverpool ka haystay haddii uu kulamaada Ajax muhiimada siin doono.

Tababare Mauricio Pochettino ayaa yidhi: ” Waxaanu u baahanahay in aanu ka fikirno in ay waajib nagu tahay in aanu afarta sare ku jirno xili ciyaareedka soo socda, kani waa tartankayaga, wuxuuna noqon doonaa mid adag. Wax adag ayuu noqon doonaa maadaama oo ayna duruufahayagu ahayn kuwa ugu fiican”..

“Iyaga (City)ugu dhawaan ciyartoyda oo dhami taam ayay u yihiin, anagu waxaanu u baahanahay in aanu ciyaartoy qiimayno, qaar ka mid ah oo muhiim ah ayaa seegaya , wax adag ayay noqon doontaa, waxay iyagu u dagaalamayaan ma aha aar gudasho, waxay u baahan yihiin saddexda dhibcood sidayada oo kale “. ayuu Pochettino hadalkiisa sii raaciyay.

Mauricio Pochettino oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Hubaashii waxaanu u baahanahay in aanu diyaar u noqono dagaalkooda oo aanu iyaga la tartano. Hubaashii waxay iyagu doonayaan in ay ka socdaan Champions league oo ay u socdaan Premier league. City waxay doonaysaa in ay wax wayn u dagaalanto taas oo ah in ay ku guulaysato Premier league, tartanka mabda’iyanka u ahi waa ku guulaysiga premier league”.

Laakiin Mauricio Pochettino oo balan qaad samaynaya in xidigaha muhiimka ah ee kooxdiisu uu maanta soo safi doono ayaa yidhi: ” Waynu ognahay in Son uu ganaaxan yahay kulanka lugta hore ee Ajax, taasi waa niyadjab, laakiiin waxaad hubin kartaa in haddii uu sax noqdo uu doonayo in uu ciyaaro inta kulan ee kale”.

” Waxaa waajib nagu ah in aanu taxadar ka muujino sida aanu u maamulayno kooxda, laakiin Son aad ayuu muhiim anaga noogu yahay”.

Shaxda Macquulka Ah Ee La Filayo In Pochettino Uu Maanta Kala Hor Iman Doono Man City:

Tottenham XI: Lloris; Alderwiereld, Vertonghen, Sanchez; Trippier, Wanyama, Eriksen, Alli, Moura, Rose; Son, Llorente.

Liverpool ayaa rajaynaysa in Tottenham ay dhibco la jarto Man City iyaga oo ugu yaraan ka rajaynaya in kulanka Etihad Stadium uu barbaro ku dhamaado ama ay Tottenham guul gaadho taas oo haddii ay dhacdo City ku abuuri karta fursad ay hal saddex maalmood gudahood ku lumin karto Champions league iyo Premier league.