Matthijs De Ligt Oo Qaatay Taladii Ronaldo, Juventus Oo Ay Ku Midoobayaan & Qoraal Lasoo Dhigay Twitter-ka Juve Oo Waxkasta Caddeeyay.

Kooxda kusoo guuleysatay horyaalka Talyaaniga ee Juventus ayaa u muuqatay mid si dadban u shaacisay inay hantiday saxeexa daafaca dhexe ee kooxda Ajax ee Matthijs De Ligt kaddib shaacin dadban.

Kaddib markii uu Ajax ku hoggaamiyay wareega afar dhammaadka Champions League, Matthijs ayaa xiiso ka helay kooxaha ugu waaweyn kubadda cagta Yurub iyadoo sheekadiisa suuqu ahayd mid aan kala go’ lahayn.

De Ligt ayaa lala soo xidhiidhiyay kooxaha kala ah Man United, Liverpool, Paris Saint-Germain iyo Barcelona balse Juventus ayaa haatan u muuqata mida awooday wixii ay kooxaha kale ku dhibtoodeen kuna qancisay 19 jirkan kooxdeeda.

Man United ayaa lagu sheegay koox uu ku diiday inaysan ku jirin Champions League, PSG ayaa u muuqata mid ka maagtay lacagta uu gaarka u doonayo wakiil Mino Raiola halka Barcelona oo kooxda ugu dhaw soo ahayd uu mushaharkiisu ku batay.

Si kastaba, Haatan De Ligt ayaa la filayaa in kooxdiisa xigta ay tahay Bianconeri waxaana lagu sifayn karaa mid qaatay taladii uu Cristiano Ronaldo siiyay final-kii UEFA Nations League.

CR7 ayaa sidii uu De Ligt saxaafada u sheegay kulanka kaddib kala hadlay da’yarkan inuu kula soo biiro Juve isla markaana uu dhabarka u jeediyo kooxaha kale waana siday haatan u muuqato.

Haddaba, Juventus oo baryahanba la sugayo goorta ay shaacin doonto saxeexa De Ligt ayaa barteeda Twitter-ka ku daabacday farriin odhanaysa “Shid berritodayada” taas oo la micno ah noo qurxi berri.

Waxa ugu weyn ee iftiimin kara Juventus 1-da July oo berri ah ayaa loo arkaa inay dhammaystiri doonto saxeexa da’yarkan mustaqbalka weyn leh.