Mateo Kovacic Oo Ka Warbixiyay Erayada Uu La Wadaagay Saaxiibkiis Real Madrid Ee Luka Modric, Kadib Heshiiskii Uu Ugu Biiray Kooxda Chelsea.

Xidiga khadka dhexe xulka qaranka Croatia iyo kooxda Real Madrid Mateo Kovačić ayaa wuxuu shaaca ka qaaday erayo uu lasoo wadaagay xidiga ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Luka Modric, kadib markii uu ugu dhaqaaqay heshiis amaah ah kooxda Chelsea suuqan xagaaga.

Kooxda Chelsea ayaa ku dhawaaqday in ay dhamaystirtay heshiiska xidigii khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Mateo Kovacic. Kaasoo ah hal xili ciyaareed amaah ah uu ku qaadan doono garoonka ka dhisan galbeedka magaalada London ee Stamford Bridge.

Hadaba Mateo Kovacic ayaa u sheegay saxaafada erayadii uu la wadaagay saaxiibkiis ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Luka Modric wuxuuna yidhi: “Waan ula hadlaa Luca Modric si joogta ah wuuna ku faraxsan yahay, inaan ku biiro kooxda Chelsea, laakiin wuxuu dhinaca kale ka murugeysanahay sababa la xidhiidha ka tagisteyda Real Madrid”.

Kovacic ayaa hadalkiisa intaas kusii daray: “Luca Modric wuu ila hadlay wuxuuna iisheegay in London ay tahay magaalo cajiib ah, iyo sidoo kale jawi wanaagsan, isla markaana jamaahiirta ku sugan ay soo buux dhaafshaan garoomada, laakiin wuxuu sidoo kale igaaga digay, awooda kulamada horyaalka Premier League”.

Si kastaba Real Madrid ayaa ku dhawaaqday inay heshiis rasmi ah kala gaartay dhigeeda reer London ee Chelsea kaasoo ku aadan in hal xili ciyaareed amaah ah uu Mateo Kovacic kusoo qaadan doono garoonka Stamford Bridge, laakiin warkan kasoo baxay kooxda reer Spain ayaanan lagu xusi wax faafaahin ee dheeri ah ee ku aadan heshiiska.