Masuuliyiinta Barcelona Ee Robert Fernandez & Urbano Ortega Oo Ka Soo Laabtay London Oo Ay Ku Soo Daawadeen Kulankii Wembley Stadium Ee Liverpool & Tottenham.

Masuuliyiinta kooxda Barcelona ee Robert Fernandez iyo Urbano Ortega ayaa ka soo laabtay magaalada London oo ay axadii ku soo qaateen kadib markii ay soo daawadeen kulankii Liverpool iyo Tottenham. Agaasimaha ciyaaraha kooxda Barcelona ee Robert Fernandez  oo uu wehelinayo Urbano Ortega soo daawanayay kulankii Wembley si ay go’aan uga soo gaadhaan qaab ciyaareedka xidigo kulankan ciyaarayay.

Robert Fernandez ayaa hore u soo daawaday kulankii ay Tottenham la ciyaartay Real Madrid ee kulankii Bernabeu laakiin kulankii Wembley diirada Robert Fernandez & Urbano Ortega ayaa si buuxda u saarnayd Philippe Coutinho oo ay Barcelona doonayso in ay bisha January la soo wareegto.

Warar ay qoreen warbaahinta England ayaa shaaciyay in Liverpool ay ogolaatay in Coutinho ay bisha January ka iibiso Barcelona isla markaana aanu Jurgen Klopp ka hor joogsan doonin. Barcelona ayaa suuqii xagaagii la soo dhaafay ku fashilantay saxiixa Coutinho balse markale waxay doonaysaa in ay January dalbato.

Wargayska Sport ee magaalada Barcelona ka soo baxa ayaa xaqiijiyay in Robert Fernandez & Urbano Ortega ay maanta dib ugu soo laabteen Barcelona kadib markii ay ka soo duuleen London oo ay xalay ku daawanayeen kulankii Tottenham ay guusha kaga gaadhay Liverpool.

Laakiin sidoo kale Barcelona ayaa qiimayn ku samaynaysa haddii ay Coutinho waydo in xidiga kooxda Tottenham ee Eriksen uu badalkiisa u noqon karo. Robert Fernandez & Urbano Ortega ayaa ku qornaa duulamadii VY7823 kaas oo 9.45am subanimo ee saaka ka soo baxay London.

Comments

comments