Maskax Xumo Ayaa Na Haysata! Sergio Ramos Oo Weerar Ku Qaaday Ciyaartoyda Kooxdiisa Madrid Iyo Jamaahiirta Los Blancos Oo U Codeeyay Kuwa Ugu Maskaxda Xun.

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa eedayn dusha ugaga tuuray ciyaartoyda kooxdiisa kadib guuldaradii ka soo gaadhay Eibar ee horyaalka La liga wuuxuna Ramos sheegay in jidh ahaan ay u fiicnaayeen balse ay maskax ahaan u liiteen.

Sergio Ramos ayaa tilmaamay in ciyaartoyda kooxdiisa Real Madrid ay gaadhi kari waayeen in ay yeeshaan hamigii ciyaartoyda kooxda Eibar oo kale wuxuuna sababtan ku sheegay in ay tahay sababtii ay guuldaradii 3-0 ka ahayd uga soo gaadhay kooxda yar ee Eibar.

Sergio Ramos oo cadhaysan ayaa yidhi: “Anagu kumaanu jirin heerkii ku haboonaa, ma jirto cudur daarasho, marka aanad kooxda kaa soo horjeeda kula mid noqon rabitaanka, maskax ahaanta iyo iyo qaab ciyaareedka, waxan ayaa dhaca”.

Sergio Ramos oo eedayn u soo jeedinaya ciyaartoyda kooxdiisa ayaa yidhi: ‘Jidh ahaan kuma jirno qaab xun, waxay ahayd maskax la’aan ka timid ciyaartoyda”.

Laakiin jamaahiirta Real Madrid ayaa u codeeyay 7 xidig ee ugu maskaxda liita kooxdooda waqti xaadirkan waxaana ku jira isla Sergio Ramos balse Gareth Bale ayaa kaalinta kowaad ku soo baxay halka Modric iyo Varane oo u sharaxan abaal marinta Ballon d’or ay liiskan ku soo baxeen.

9000 kun iyo dheeraad taageerayaasha Real Madrid ah ayaa u codeeyay in Gareth Bale uu kulankii Eibar ahaa ciyaartoygii ugu maskaxda liitay waxaana kaalinta labaad ku jira Marco Asenio oo ku dhawaad 8000 kun ay ugu codeeyay xidigihii ugu qaab fikirka xumaa kulankii Eibar.

Liiska 7 Ciyaartoy Ee Ay Jamaahiirta Real Madrid maskax fikirkooda Liita Ugu Eedeeyeen Guuldaradii Eibar:

1- Gareth Bale

2- Marco Asensio

3-Luka Modric

4- Marcelo

5-Toni Kroos

6- Raphael Varane

7-Serigo Ramos

Haddaba akhriste, haddii aad taageere Real Madrid ah tahay oo aad daawatay kulankii Eibar, miyay todobadan ciyaartoy ahaayeen kuwii ugu maskax fikirka liitay ee Los Blancos guuldarada u soo jiiday?