Muxuu Yahay Rekoodhka Khaaska Ah Ee Uu Anthony Martial Uu Ku Gaadhi Karo Cristiano Ronaldo, Eric Cantona Iyo Ruud Van Nistelrooy?

Xidiga xulka qaranka France iyo kooxda Manchester United ee Anthony Martial ayaa ku soo jiray qaab ciyaareed aad u fiican oo uu ku badalay aragtidii uu Jose Mourinho ka haystay isaga oo waliba macalinka reer Portugal ku qasbay in uu shaxdiisa ku soo darayay kulamadii ugu danbeeyay.

Anthony Martial ayaa kulanka Crystal Palace ku raadsan kara in uu gaadho rekoodh ay haystaan xidigihii Man United uga soo horeeyay ee Cristiano Ronaldo, Eric Cantona iyo Ruud van Nistelrooy waana haddii uu shabaqa ka soo taabto Crystal Palace.

Haddii uu Martial wax goolal ah ka dhaliyo kulanka Old Trafford ee Crystal Palace waxa uu noqon doonaa ciyaartoygii ugu horeeyay ee Manchester United ah ee lix kulan oo xidhiidh ah oo horyaalka Premier league ah shabaqa soo wada taabtay tan iyo April 2008 kii.

Cristiano Ronaldo ayaa ahaa xidigii ugu danbeeyay ee Manchester United ka tirsnaaa ee awooday in uu lix kulan oo xihdiidh ah goolal ka soo dhaliyay Premier League intii lagu jiray sanadkii 2008 kii laakiin waxaa jiray laba xidig oo rekoodhkan uga horeeyay.

Eric Cantona yo Ruud van Nistelrooy ayaa hore u ahaa labada xidig ee kaliya ee hore Manchester United min lix kulan oo xidhiidh ah goolal ugu soo dhaliyay waana xog uu doonayo in Martial uu raggan la waddagi karo kulanka C.Palace.

Martial ayaa xili ciyaareedkan shabaqa ka soo wada taabtay kooxaha Newcastle United, Chelsea, Everton, Bournemouth iyo Manchester City isaga oo waliba Chelsea laba gool ka soo dhaliyay halka kooxaha kale uu min hal gool ka soo dhaliyay wuxuuna sugayaa in kulankisii lixaad oo xidhiidh ah uu shabaqa gaadho.

Si kastaba ha ahaatee, jamaahiirta Man United ayaa rajaynaya in Martial uu shabaqa ka soo taabto kulanka Crystal Palace si uu u gaadho rekoodhkii khaaska ahaa ee ay kalida ku ahaayeen Cristiano Ronaldo,Eric Cantona yo Ruud van Nistelrooy.