Marti Galiyaasha Koobka Qaramada Afrika Ee Masar Oo Guul Ka Gaadhay Xulka Zimbabwe Iyo Rajadooda Oo Qaab Fiican Ku Bilaabatay.

Xulka qaranka Masar ee dalkiisu marti galinayo koobka qaramada Afrika ayaa guul ku furtay kadib markii ay 1-0 kaga talaabsadeen xulka Zimbabwe, waxayna xulka Egpyt u ahayd guul muhiim ah si ay u bilawdaan rajada ay koobkan ugu doonayaan in ay ku guulaystaan.

Kulanka furitaanka koobka qaramada Afrika 2019 ayaa ka dhacay garoonka Cairo international Stadium ee ku yaala magaalada caasimada ee Qaahira waxayna Masar oo ka mid ah xulalka ugu cad cad ee koobkan loo saadaalinayaa ay ku furtaan guul muhiim ah.

SHIXIHII LABADA XUL EE KULANKAN:

Egypt XI: Mohamed El-Shennawi – Ahmed Elmohamady, Mahmoud Alaa, Ahmed Hegazi, Ayman Ashraf – Tarek Hamed, Mohamed Elneny, Abdallah El-Said – Mohamed Salah, Mahmoud “Trezeguet” Hassan, Marwan Mohsen.

Zimbabwe XI: Sibanda, Darikwa, Lunga, Mudimu, Hadebe, Munetsi, Nakamba, Karuru, Musona, Billiat, Mushekwi

Tartanka qaramada Afrika ee 2019 ayaa si rasmi ah uga furmay dalka Masar iyada oo kulankii furitaanka ay iskaga hor yimaadeen marti galiyaasha tartanka koobkan ee Masar iyo xulka Simbabwe wuxuuna kulankani ka qabsoomay garoonka  Cairo international Stadium.

Xulka qaranka Masar oo tartankii ugu danbeeyay ee koobka qaramada Afrika finalka soo gaadhay balse guuldaro kala kulmay Cameroon ayaa doonayay in ay si xoogan ku bilawdaan tartankan ay ku rajo wayn yihiin in ay ku guulaystaan.

Goolka kaliya ee uu xulka qaranka Masar guushan ku gaadhay waxaa daqiiqadii 41 aad ee qaybtii hore ee ciyaarta dhaliyay  Mahmoud Trezeguet ayaa noqday xidigii ugu horeeyay ee goolka furitaanka ka dhaliyay koobka qaramada Afrika ee 2019.

Mohamed Salah ayaa dhawr gool caawin samayn karayay qaybtii hore ee ciyaarta laakiin xulka Zimbabwe ayaan Masar ka ogolaan in ay wax goolal kale ah dhaliyaan.

Inkasta oo Xulka qaranka Zimbabwe ay abuureen fursado ay xataa ciyaarta ugu soo laaban kareen waxay awoodi kari waayeen in ay shabaqa ka gaadhaan Masar.

Wax walba oo uu xulka Masar ku raadiyay goolka labaad ee ay doonayeen in ay ciyaarta ku dilaan iyo isku day kasta oo Zimbabwe ay ku raadinayeen goolka barbaraha ayaa fashil ku dhamaaday.

Waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 1-0 ay marti galiyaasha koobka qaramada Afrika ee Masar ay guul ku gaadheen.