Marti Galiyaasha Copa America Ee Brazil Oo Lagu Dhegay, VAR Oo Cadho Ku Abuuray Tite Iyo Xulka Selecao Oo Wareega Xiga Wali Sugi Doona.

Xulka qaranka Brazil ayaa barbaro kala kulmay dhigiisa Venezuela kulankii labaad Group A ee tartanka qaramada South America ee Copa America waxayna Brazil seegtay fursada ay wareega xiga ugu soo bixi kareen.

Xulka qaranka Venezuela ayaa caawin wayn ka helay muuqaal caawiyaha garsoorka VAR kaas oo tababare Tite iyo jamaahiirta xulkiisa Selecao ka beeniyay laba gool waxayna hadda sugi doonaan kulamada soo socda si ay wareega xiga ugu soo bixi karaan.

Xulka qaranka Peru  ayaa si layaableh waxay  Group A iskugu dhibco u noqdeen Brazil kadib markii ay Peru guul ka gaadheen Bolivia oo ay hore Brazil u soo garaacday waxayna wada haystaan min 4 dhibcood halka Venezuala ay laba dhibcood yeelatay.

SHIXIHII LABADA XUL EE KULANKAN:

VENEZUELA XI (4-1-4-1): Wuilker Farinez; Roberto Rosales, Yordan Osorio, Mikel Villanueva, Ronald Hernandez; Junior Moreno; Darwin Machis, Yangel Herrera, Tomas Rincon, Jhon Murillo; Salomon Rondon.

Kaydka: Luis Manuel Seijas, Jefferson Savarino, Arquimedes Figuera, Rolf Feltscher, Joel Graterol, Yeferson Soteldo, Rafael Romo, Josef Martinez, Juanpi, Jhon Chancellor, Fernando Aristeguita.

BRAZIL XI (4-2-3-1): Alisson; Dani Alves, Marquinhos, Thiago Silva, Filipe Luis; Casemiro, Arthur; Richarlison, Philippe Coutinho, David Neres; Roberto Firmino.

Kaydka: Miranda, Fernandinho, Willian, Alex Sandro, Eder Militao, Allan, Cassio, Lucas Paqueta, Everton, Gabriel Jesus, Fagner, Ederson.

Inkasta oo xulka qarana Brazil uu helay fursado badan oo ay ciyaarta ugu guulaysan kareen waxaa fursada goolasha ay shabaqa ku taabteen looga diiday markii laga hubiyay muuqaal caawiyaha garsoorka VAR oo markii ugu horaysay loo adeegsanayo Copa America.

Kulankii ka dhacay garoonka Arena Fonte Nova waxa uu Brazil u ahaa mid niyadjab leh sababtoo ah in ay 19 jeer toogteen goolka Venezuela inkasta oo ayna haddana bartilmaameedyo badan samayn.

Laakiin daqiiqadii 60 aad Roberto Firmino iyo Gabriel Jesus ayaa si fiican iskugu xidhmay iyada oo Gabriel uu dhaliyay wax u muuqday goolka furitaanka ee Brazil.

Laakiin markii waqti badan laga hubiyay muuqaal caawiyaha garsoorka waxaa goolkan loo diiday in uu offside jiray taas oo farxadii Brazil soo gaba gabaysay.

Daqiiqadii 86 aad xulka Brazil ayaa u dabaal degay wax u muuqday goolkooda guusha kadib markii ay Coutinho iyo Everton Soares awoodeen in ay jabiyeen iska caabintii Venezuela laakiin markale VAR ayaa dareenka qabsaday.

Garsoore Julio Bascunan ayaa markale goolka Brazil ku beeniyay VAR wuxuuna meesha ka saaray goolka ay isku arkayeen in ay guushe ku gaadheen.

Waxa walba oo xulka Brazil sameeyay waxay ku dhamaadeen fashil iyo VAR oo laba jeer niyadjab ku abuuray waxayna ciyaartu ku dhamaatay barbaro gool la’aan ah.

Group A waxaa si rasmi ah loogu kala bixi doonaa Jun 22 markaas oo ay wada ciyaari doonan labada xul ee min afarta dhibcood groupka kaalmaha hore ugu jira ee Brazil iyo Peru halka Venezuela ay la ciyaari doonaan Bovilia oo haddaba quus taagan.

Kala saraynta Group A

Brazil -4 dhibcood

Peru- 4 Dhibcood

Venezuela- 2 dhibcood

Bolivia – 0 dhibic

1 Comment

Comments are closed.