HANJABAAD: Markii Hore Lionel Messi, Haddana Tababaraha Xulka Qaranka France Ee Didier Deschamps-Ururka ISIS Oo Hanjabaad Kale Soo Diray Iyo Deschamps Oo Ay Cadowga Alle Ku Tilmaameen.

Kooxda ISIS ayaa markale soo saaray digniin iyo cabsi galinta koobka aduunka iyaga oo markan bartilmaameed ka dhigtay macalinka xulka qaranka France ee Didier Deschamps kaa soo ay ku tilmaameen in uu yaahy ‘Cadowga Alle’ iyaga oo waliba qaabkii Lionel Messi oo kale ka soo sameeyay sawir naxdin galin ah oo hanjabaad cusub ay ugu dirayaan koobka aduunka.

ISIS ayaa dhawaan waxa Wafa Media Foundation ku baahiyeen sawirada Lionel Messi oo xabsi ku jira isla markaana hanjabaad koobka aduunka ah loo adeegsaday balse isla Wafa Media Foundation ayaa la soo mariyay sawirka tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps oo gacmaha laga silsiladeedyay isla markana dhabarka xabad loogaga hayo.

Sawirka naxdinta leh ee laga sameeyay macalinka France ee Deschamps waxaa la soo raaciyay laba qoraal oo midka hore uu sheegayo: “Didier Deschamps waa cadowga illaahay’. Inkasta oo ayna qoraalka ku sii sheegin sababta ka danbaysa in Didier lagu sifeeyay cadawga ilaahay.

Waxa kale oo qoraalka labaad ee sawirkan la soo raaciyay lagu yidhi: “Anagu waxaanu sii wadi doonaa in aanu idin argagaxgalino isla markaana aanu nolashiina kharibno”.

Kadib markii ay soo baxeen digniinaha ururka ISIS ee loo adeegsaday sawirka Lionel Messi ayuu madax waynaha xidhiidhka kubbad acagta Argentina ee  Claudio Tapia uu caasimada dalkiisa Argentina ee Buenos Aires uu kulan kula qaatay safiirka dalka Russia ee Victor Koronelli.

Digniinahan ayaa dalka Russia ku sii kordhinaya culayska amaanka koobka aduunka ee badhtamaha sanadka cusub ka furmi doona magaalooyinka Ruuska. Russia ayaa qayb ka ah qalalaasaha siyaasadeed ee sanadihii ugu danbeeyay ka socday dalka Suuriya taas oo keenaysa in ISIS ay markeeda Russia ku samayso dacaayad iyo barbaganta ay ku khal khal galinayaan koobka aduunka.

Comments

comments