Real Madrid Oo Kadib Heshiiska Eden Hazard Uu Dhaqaaqaysa Xidig Liverpool Ka Tirsan Oo Ay 60milyan Asensio & Isco Ku Doonayaan.

Real Madrid ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay Eden Hazard kala soo wareegtay kooxda Chelsea kadib muddo 10 sano ku dhawaad ah oo ay Los Blancos doonaysay in ay xidiga reer Belgium ka soo dajiyaan Santiago Bernabeu.

Laakiin Florentino Perez iyo Zinedine Zidane ayaa wali sii wadi doona hawlgalka suuqa kala iibsiga ee ay xagaan ku doonayaan in ay kooxda dib u dhis wayn ugu sameeyaan waxaana jira xidigo badan oo Madrid lala xidhiidhinayo.

Laakiin markii ay Real Madrid duqayn ku samaysay Chelsea oo ay kala soo wareegtay xidigii kooxdeeda ugu fiicnaa, Los Blancos ayaa markale duulaan ku qaadaysa Liverpool si ay uga helaan mid ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan.

War lagu daabacay Diario Gol oo laga leeyahay dalka Spain ayaa lagu shaaciyay in Real Madrid ay doonayso in Liverpool ay dalab lacag iyo ciyaartoy iskugu jira kaga doonto Sadio Mane kaas oo uu Zidane isna si wayn ula dhacsan yahay.

Intii aanu Zinedine Zidane iska casilin shaqada Real Madrid waxa uu doonayay in Sadio Mane uu keeno Real Madrid kadib finalkii UEFA Champions laegue ee 2018 kii balse markal Zidane ayaa u muuqda in aanu ka quusan Sadio Mane.

Inkasta oo uu Sadio Mane iska fogeeyay wararka la xidhiidhinaya Real Madrid isla markaana uu si cad u sheegay in uu ku faraxsan yahay joogitaanka kooxda uu koobka Champions League kula soo guulaystay ee Liverpool, haddana Madrid ayaa dalab qaali ah miiska u saaraysa Liverpool.

Sida lagu shaaciyay Diario Gol, Real Madrid ayaa qorshaynaysa in ay Liverpool u dirto dalab Marco Asnesio+60 milyan yuro ah si ay Sadio Mane u helaan ama in dalabku noqdo Isco+60 milyan yuro.

Liverpool ayaa hore u xiisaynaysay saxiixa Marco Asensio laakiin ilaa hadda lama oga in Liverpool ay aqbali karto nooc dalab oo lagu doonayo Sadio Mane kaas oo xili ciyaareedkii soo dhamaaday ahaa xidiga ugu muhiimsanaa Reds.

Inkasta oo ay Real Madrid hore u doonaysay saxiixa Mohamed Salah, haddana waxay wararku sheegayaan in Sadio Mane uu ka mid noqday bartilmaameedka Bernabeu iyada oo la filayo in saxiixa Eden Hazard kadib ay heshiisyo waa wayn samayn doonto Madrid.

Zinedine Zidane ayaa doonaya in uu kooxdiisa Real Madrid ka saaro musiibadii xili ciayareedkii soo dhamaaday ee ay koob la’aanta ugu dhamaysteen isaga oo waliba sheegay in muhiimada kowaad uu ka dhiganayo ku guulaysiga koobka horyaalka La liga.

Haddaba akhriste, haddii aad Liverpool taageere u tahay, miyaad filaysaa in Reds ay aqbali karto dalab ku qiimaysan 60m+Marco Asensio ama 60m+Isco? Haddii ay adiga kugu xidhanan lahayd miyaad dalab noocan ah ku aqbali lahayd adeega Sadio Mane?

7 Comments

  1. Bismilaaah
    Anigo ah Abdiaziz oo joga magalada zürich ee wadanka Switzerland’
    Hadiii an fikradeyda kadhiiibto qodobkaaan marnaba Ma aqbali lahen dalabkastoo noocaaan ah waaayo
    Qodobka koowad lacagta oo aad uyar marka lo fiiiriyo ciyaartoy noocan ah iyo xidiga oo halbowlaha naaadiga ah
    Macquuul hdi lacagta 200m kadhigaaan lkn hda my
    Waaad maahdsantihin Bahda Gool24👏👏👏

  2. Bismilaah
    Magacaygu waa aadan jooga soomaliya waxaan filayaa
    Mane liverpool ineysan sina ugadin sanadkaan waayo waa kan ugu feecan waqti xaadirkaan
    Mahadsanidin

  3. Isco+60 milyan AMA asensio+60 milyan
    Waa heshiis aan gali laHaa hadaan ahaY LiVerpool sababtoo ah EDEN HAZARD oo ah xidigii Priemer leaGue ugu laacibsanaaba 100 milyan kaliYa laga bixi sabab ah heshiiskiisaa dhacaaYey beri narkuu soo dhawaado heshiis kordhinTa qiime raqiisuu ku baxaaYaa markuu ku riyoodo madrid ama barcelone
    Reer liverpool ka FaaidaYsTa jaaniska

  4. Aniga wxy ilathy in hadii real sidhaba udoonayso Sadio Mane in wax kahor istaagi karaa aanay jirin.
    Lkn iyago haysta Benzema, Hazard iyo luka jovic,
    Mxyba real ugabaahanty Mane.
    Hassan freeman

  5. Viva Real Madrid Laacibka African Oo laga soo wacey kooxda Aduunka Madiidi Karo Mane orod Real

  6. Waaa fursad aad kusoo noqon lahaa laacibka Aduunka Ronaldo england waa ka ordey laacib aduunka ayuu heley modric waa ka ordey laacib aduunka ayuu heley adna sanadkaan hadii lagu dooranin sanadka kale real tag waalagu dooranaya

Comments are closed.