“Marka Uu Messi Hindhiso Barcelona Duray Ayay Qaadaa, Xaqiiqadu Waxay Tahay Inuu Isagu Doonayo In Neymar JR Lagu Soo Celiyo Kooxda!!”

Neymar JR ayaa wali wax weyn u ah kooxdiisa Paris Saint-Germain marka laga yimaado xaqiiqada ah inuu doonayo inuu kooxda iskaga tago xagaagan.

Barcelona oo ah kooxda inta ugu badan lala xidhiidhinayo ayaa ilaa haatan laba dalab oo ciyaartoy iyo lacag iskugu jira ka gudbisay balse labadaba laga soo diiday maadaama PSG ay doorbidayso lacag kaliya.

Si lamid ah Barcelona kooxo kale ayaa isha ku haya xaalada xiddigan waxaana kamid ah Juventus oo uu agaasimaheeda ciyaaraha ee Fabio Paratici dhawaan kulan la qaatay aabaha Neymar.

Haddaba, Graham Hunter oo ah khabiir kubadda cagta Spain ah ayaa kanaalka Sky Sports u sheegay in kabtanka Barcelona ee Lionel Messi uu yahay midka riixaya rabitaanka kooxdaas ee ah inay soo celiso Neymar.

SIDOO KALE AKHRISO:  HORDHAC: Celta Vigo vs Real Madrid - Los Blancos Oo Diyaar U Ah Ka Faa'idaysiga Guuldarradii Barcelona, Faah-Faahinta & Shaxaha Macquulka Ah Ee Kulankan.

Hunter ayaa sheegay in Messi uusan dhibloow ahayn balse marka uu hadlo ay qaataan maamulka kooxdiisa isaga oo dhinaca kale ka hadlay haddii Messi uu heshiis kordhintiisa kooxda ku xidhay shuruuda ah in marka hore Neymar loo keeno.

Graham Hunter ayaa yidhi “Messi ciyaartoy udub dhexaada ayuu ka yahay waxan oo dhan, Messi maaha ciyaartoy qaylo badan, Dadka ayaa been ahaan isaga sidaas ka sawirta, Laakiin marka uu hindhiso (Hadlo) Barcelona duray ayay qaadaa (way aqbashaa)”

“Bartomeu, Madaxweynuhu waxa uu yidhi kahor inta uusan tagin – Waana inuu kooxda ka tago 2021- wuxuu doonayaa inuu tago Messi oo heshiiska cusboonaysiiyay markale”

SIDOO KALE AKHRISO:  XOG: Maxay Yihiin Sababaha Ay Liverpool Ugu Guulaysan Karto Koobka UEFA Super Cup Ee Ay Chelsea Ugu Garaaci Karto Kulanka Istanbul?

“Haddii uu Messi leeyahay ‘Messi ii keena’ ama haddii uu Messi ku xanshaashaqayo ‘Kahor intaynaan u fadhiisan si aynu u wada xaajoono waxaan doonayaa safka weerarka oo lagu soo xoojiyay Neymar’ Xaqiiqadu waxay tahay Messi waxa uu doonayaa Neymar inuu soo laabto”