Marka Uu Garsooruhu Iyaga Caawiyo Way Aamusaan, Marka Kale Wax Walba Way Ka Cabanayaan-Gerard Pique Oo Weerar Qaawan Ku Qaaday Real Madrid.

Difaaca dhexe ee kooxda Barcelona ee Gerard Pique ayaa halkiisa ka sii watay colaadii afka ahayd ee uu kula soo jiray kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Real Madrid. Gerard Pique ayaa Real Madrid ku sifeeyay in ay u dhaqmaan qaab munaafiqnimo ah isaga oo si xun ugu duray qaabka ay garsoorka uga cawdaan.

Gerard Pique ayaa ka hadlay kadib markii ay kooxda Barcelona ee Basketball-ku ay ku guulaysatay tartanka Copa Del Rey isla markaana ay Real Madrid guul ka gaadhay waxayna Madrid ka cawdeen qaar ka mid ah go’aanadii garsoorka laakiin Pique ayaa tilmaamay in markii ay kulankii Atletico Madrid ee Wanda ay ku soo guulaysteen in ayna wax cabasho ah muujin.

Kooxda Basketball-ka Barcelona ayaa guul 94-93 ah ka gaadhay dhigeeda Real Madrid si ay markii 25 aad ugu guulaystaan Copa Del Rey laakiin Pique ayaa sheegay in haddii ay Real Madrid ku jiri lahayd tartamo ka badan kubbada cagta iyo Basketball in ay mar kastaba cabashadoodu joogto ahaan lahayd.

Waxaa soo baxay war sheegaya in madax waynaha kooxda Real Madrid ee  Florentino Perez uu tixgalinayo in kooxdiisa Real Madrid ee Basketball-ka uu gabi ahaanba ka saaro tartanka Copa Del Rey isaga oo ka cadhaysan qaar ka mid ah go’aamadii garsoorka.

Gerard Pique oo si adag u naqdinaya cabashada garsoorka Real Madrid ee kulankii kooxaha Basketball-ka ee Copa Del Rey ayaa yidhi: “Cabashada Madrid waxay ka dhacdaa kubbada cagta, waxay ka dhacda Basketball-ka, ugu yaraan tartan kale oo Sports-ka ah kuma jiraan, waxaanu sidoo kale ku dhibtoon lahayn Hockey-da iyo kubbada cagta”.

Gerard Pique ayaa soo qaatay go’aanadii muranka dhaliyay ee Real Madrid ay guusha ugu soo gaadhay kulankii Wanda ee Atletico Madrid iyo qaabkii ayna Madrid uga hadal wuxuuna yidhi: “Kadib waxay tageen Wanda, garsooraha ayaa iyaga caawiyay, kadib way aamuseen isla markaana may caban”.

Intaa kadib Gerard Pique aaya dib u xusuustay finalkii Copa Del Rey ee 2014 kii iyo qaladaadkii garsoorka wuxuuna yidhi: “Qaladaad ayaa ka jiray (finalkii Copa Del Rey), markii hore waxa uu asxaan u sameeyay Madrid, kadib Barca, dhamaadkii waxa oo dhami waxa uu ahaa bandhigii garsoorka ee Madrid”..

“Dhamaadkii haddii aanu garsooruhu ku qaldanayn Barcelona ayaa guulaysan kartay, dhamaadkii qaylo ayaa dabooshay dhibaatadii caadiga ahayd ee ahayd In Barcelona ay Championska ku noqotay Madrid loona qariyo faa’iidadii ay ciyaartoydu Madrid koobka ugu qaadeen. Anigu aad ayaan ugu hanwaynahay ciyartoydaas”.ayuu Pique hadalkiisa sii raaciyay.

Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa February 27 iskaga hor iman doona kulanka lugta labaad ee siddeed dhamaakda Copa Del Rey markaas oo si rasmi ah loogu kala bixi doono kadib barbarihii Camp Nou halka March 2 ay markale Madrid iyo Barca isla Bernabeu iskugu soo laaban doonaan kulanka La Liga.