Marka Hore Isaga Joojiya!! – Raheem Sterling Oo Mushahar Waali Ah Inuu Heshiiska U Kordhiyo Man City Ku Diiday & Shuruuda Kaliya Ee Uu Ku Xidhay Oo La Ogaaday.

Garabka kooxda Manchester City ee Raheem Sterling ayaa shuruud ku xidhay inuu qalinka ku duugo heshiis cusub xilli uu kamid noqday hoggaamiyayaasha safka Pep Guardiola ugu muhiimsan wakhtigan.

City ayaa doonaysa inay heshiis cusub k saxeexato Sterling walow kaliya 12 bilood laga joogo wakhtigii uu saxeexay heshiiskiisii ugu dambeeyay xilli uu xiiso badan ka helayo kooxaha ugu waaweyn Yurub.

Natiijada sawirka Raheem Sterling

Tan iyo bilawgii xilli ciyaareedkii dambe, Sterling ayaa City usoo dhaliyay 39 gool halka uu 23 kale caawiye ka ahaa 68 kulan oo uu ciyaaray taas oo ka dhigtay mid kamida ciyaartoyda xilligan ugu wanaagsan dunida.

Haddaba, Sida uu sheegayo wargeyska The Sun mustaqbalka Raheem ee Etihad Stadium ayaa ah mid ku xidhan mustaqbalka kooxda ee tababare Pep Guardiola waxaana uu kaliya heshiiska 450,000 ah ee cusub saxeexi karaa haddiiba ay City dheerayso qandaraaska Pep ee ay 18-ka bilood haatan ka hadheen.

Advertisements

Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in haddiiba tababaraha ree Spain uu go’aansado inuu ka tago kooxda difaacanaysa Premier League uu kula biiri doono kooxda xigta ee uu qabsado.

Guardiola ayaa xil weyn iska saaray horumarinta hanaanka ciyaareed ee Sterling markii uu la wareegay City sanadkii 2016 waxaana muuqatay in tan iyo xilligaas bandhigyada 24 sano jirkani ay ahaayeen kuwo indho qabad leh.

 

Advertisements