Marka Hore Go’aan Ka Gaadhista Tababaraha Cusub, Kadib Xalinta Dhibaatada Mustaqbalka Cristaino Ronaldo-Maamulka Madrid Oo Qorshe Samaystay.

Maamulka kooxda Real Madrid ayaa doonaya in si degan oo kala horayn leh ay u xaliyaan qalalaasaha wayn ee kooxdooda soo foodsaaray wixii ka danbeeyay ku guulaysigii koobka Champions League ee magaalada Kiev, waxayna doonayaan in arimaha dhibbaatada ku noqday kooxdooda ay u xaliyaan sida ay u kala horeeyaan.

Maamulka Florentino Perez ayaa doonaya in uu marka hore go’aan ka gaadho tababaraha cusub ee ay kooxdiisu yeelan doonto kaas oo badali doona Zinedine Zidane taas oo la micno ah in uu khaanada ku ridan doono xalinta dhibaatada mustaqbalka Cristiano Ronaldo.

Maamulka Madrid ayaa maanka ku haya in tababaraha cusub ee ay magacaabi doonaan uu saamayn ku yeelan karo mustaqbalka Cristiano Ronaldo, sidaa daraadeed, waxay doonayaan in ay si degan oo kala horayn leh u xaliyaan dhibaatooyinka horyaala sida uu wargayska marca shaaciyay.

Waxaa wargayska Marca lagu sheegay in Mauricio Pochettino iyo Jurgen Klopp laga saaray liiska tababarayaasha badali kara Zidane laakiin Antonio Conte ayaa wali ah doorasho ay maamulka Madrid kooxdooda u magacaabi karaan inkasta oo uu dalabkii hore diiday si uu Chelsea uga helo lacagta magdhawga ah ee qandaraaskiisa ka hadhsan.

Chelsea ayaan doonayn in Antonio Conte uu sii ahaado macalinka kooxdeeda laakiin waxay sidoo kale ka cago jiidaysaa in ay gaadho go’aan ay shaqada kaga caydhinayso madaama oo ay markaas Blues waajib ku noqonayso in ay bixiso lacag 20 milyan euros ah oo uu Conte magdhaw u heli karo.

Wargayska Marca ayaa sheegay in maamulka Madrid ay hadda dajisteen qorshe hawleed ay marka hore ku doonayaan in ay xaliyaan xaalada tababare ee kooxdooda iyaga oo aan maalmaha soo socda waxba ka dhegaysan doonin cadaadis kasta oo kaga yimaada dhinaca Cristiano Ronaldo iyo wakiiladiisa.

Mustaqbalka Cristiano Ronaldo ayaa walwal badan ku haya Real Madrid laakiin waxay marka hore qorshaysteen in ay xaliyaan shaqada tababaranimo kadibna ay u soo jeedsadaan dhibaatooyinka kale ee ay kow ka tahay dhibaatada mushaar kordhinta Ronaldo kaas oo haddii aan la fulin balan uu Perez u qaaday doonaya in uu baxo.

Kadib finalkii Champions League ee Cardiff ee xili ciyaareedkii hore waxaa la sheegay in Perez uu Ronaldo u balan qaaday in uu mushaarkiisa sare u qaadi doono iyada oo waliba la xusay in uu tiro magacaabay balse markii uu xili ciyaareedkii dhamaaday qaab ciyaareedkiisu si wayn hoos ugu dhacay ayay maamulka Madrid dib u fikireen.

Waxayna taasi keentay in markii uu soo dhamaaday finalkii Champions League ee Kiev uu Ronaldo si cadho wayni ku dheehan tahay uu saxaafada uga hor sheegay in go’aan ka gaadhi doono mustaqbalkiisa isla markaana uu shaacin doono waxa uu go’aankiisu yahay balse ilaa hadda wax war dheeraad ah muu bixin.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Madrid ayaa hadda marka hore ka shaqayn doona sidii ay tababare ku haboon kooxda u heli lahaayeen isla markaana ay ugu soo gacan bixi lahaayeen arinta Cristiano Ronaldo.